Wasiirka Madaxtooyada Imaaraadka Carabta oo kulan ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland

0
422

Dubai (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay ee marti-qaadka rasmiga ah ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay kulan la qaatey wasiirka madaxtooyada ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheikh Mansour Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan.

Kulankaasi uu wasiirku ku qaabiley weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada dalka Isu-tagga Imaraadka Carabta, ayaa ahaa mid wasiirku weftiga ku qaabiley una muujiyay meeqaamka diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka dhexeeya.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo, ganacsi iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday arrimo muhiim ah oo dan u ah labada dhinac, isagoo kulankani ahaa mid dhidibada loogu sii adkaynayey wada xaajoodka arrimaha dhaqan dhaqaale, isku tiirsanaanta, iskaashiga iyo horumarinta labada shacbi ee ku kala dhaqan Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii loo sii kobcin lahaa taariikhda ma guurtada ah ee labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka dib ka hadlay waxyaabihii la isla soo qaaday ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka Madaxtooyada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta kulmay, si wanaagsana wuu ugu dhacay kulankaasi ay yeesheen, waxaana ay ka wada hadleen danaha labada dal dhinac walba, waana aanu isku afgaranay, si wanaagsana waa na loogu soo dhaweeyey intii aanu halkan joognay oo milgo iyo sharaf leh”.

Ugu dambayn weftiga madaxweynaha Somaliland hoggaaminayaa waxa ay halkaasi ka sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan madaxda kala duwan ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta inta ay ku gudo jiraan safarkooda shaqo.

Dawannews Hargeysa offce

Leave a Reply