Goob-joogeyaashii Caalmaka oo Amaanay Dimuqraadiyada Somaliland

0
403

Hargeysa (Dawan)- Goob-joogeyaashii caalamiga ahaa ee kormeerayey doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoontay 13 November ee sannadkii hore, ayaa soo saaray warbixintii rasmiga ahayd ee laga filayey, Waxaanay ammaaneen hannaankii dimuqraadiyada ahayd ee doorashadaasi uga qabsootay dalka.

Goob-joogeyaashaas oo ka koobnaa 60 xubnood waxay ka kala socdeen 27 waddan, warbixintooda waxay ku sheegeen maalintii codbixintii doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 13kii November ee kal-hore ay booqdeen 17 degmo oo ka mid ah 21ka degmo doorasho oo ku kala yaallay 6da gobol ee waaweyn ee Somaliland.

Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ee Dr. Michael Walls, ayaa ammaanay nidaamka dhaqanka ah ee Somaliland ku xaliso khilaafaadka dhexdeeda ka dhasha, waxaanu yidhi; “Mar kele, Somaliland waxa loogu yeedhay dhaqanka soo jiidashada leh ee ay khilaafka u xallido si ay u tirtirto xaalad laga filayay in ay khatar noqoto doorashadii ka dib. Laakiin Somaliland waxa ay taagan tahay heer xasaasi ah: Iyada oo si xad dhaaf ah ugu tiirsan nidaam dhaqan si ay dhibaatooyinka xal ugu hesho, iyada oo ay jiraah nidaam doorasho oo la isla qaatay oo aan weli si dhamaystiran loo aqbalin in uu noqdo mid qeexa hoggaaminta siyaasadeed. Annaga oo ogsoon meeqaamka culus arrimahani ku leeyihiin caalamka, waxa aanu dareensannahay baahida loo qabo cusboonaysiinta ballanqaad adag oo ku wajahan siyaasad loo dhan yahay. Waxa aanu rajaynaynaa in safarka dimuqraaddiyadda Somaliland uu si nabadgelyo ah hore ugu socon doono, una gudbi doono heerka kan ku xiga, kaas oo ah qabsoomidda doorashadii inta badan dib loo dhigay ee Golaha Wakiillada sida loo qorsheeyay sannadka 2019.”

“Doorashada oo ahayd codbixintii saddexaad ee doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo guud ahaan doorashadii lixaad, waxa ay ku dhamaatay Muse Biixi Cabdi oo ka soo jeeda Kulmiye oo kaga guulaystay murrashaxiintii la tartamayay ee ka soo jeeday xisbiyada Waddani iyo UCID. Isaga oo ku guulaystay 55% codadkii doorashada, Muuse waxa uu beddelay Madaxweynihii muddadiisu dhammaatay ee Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, ee isaguna ka soo jeeday Kulmiye. Doorashadu waxa ay ahayd tii ugu horraysay ee la adeegsaday habka casriga ah ee aqoonsiga indhaha iyo faraha si loo diiwaangeliyo cod bixiyayaasha iyo in ay tahay doorashadii ugu horraysay ee ay ka qayb galaan qaar ka mid ah gobollada bariga ee fogi.

Goobjoogayaasha caalamiga ah oo ay maalgelisay dawladda Ingiriisku waxa hoggaaminaya qaybta Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL ee London iyo ururka Somaliland Focus UK iyo mashruuca oo ay maamulayaan la taliyayaal ka socda Jaamacadda UCL,”ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka Goobjoogeyaasha caalamiga ah.

Siday ku warantay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, goob-joogeyaashii caalamiga ahaa waxay ku taliyeen in la xoojiyo shuruucda hawlaha ololaha doorashooyinka, isla markaana kor loo qaado aqoonta bulshada iyo tababarka shaqaalaha codbixinta doorashooyinka.

Waxa kaloo ay soo jeediyeen in la qabto doorashada golaha wakiillada oo muddo badan dib loo dhigay, hase ahaatee muddaysan inay Somaliland ka qabsoonto sannadka 2019ka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply