Burco oo Laga Daah-Furayo Tirinta Madax Taabashada Shaqaalaha Dawladda

0
392

Burco (Dawan)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta si rasmiya looga bilaabay nidaamka loogu magac daray “ tirinta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda’hawshaas oo ay waddo Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland isla markaana la doonayo in lagu tiriyo guud ahaan shaqaalaha dawladda Somaliland ka dibna loogu gudbo wajiga labaad oo ah tayaynta Shaqaalaha Dawladda.

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa Wargeyska Dawan u sheegay in maanta ay tirinta shaqaalaha dawladdu si toos uga bilaabayso magaalada Burco ,” Waxaanu maanta ku daah-furi doonnaa gobolka Togdhdeer caasimadiisa Burco diiwaan gelinta shaqalaaha dawladda ee gobolka Togdheer halkaas oo loo sii dhaafi doonno deegaamada kale ee gobolka hoos yimaada.”

Sharmaake Geelle ayaa sheegay in qaranku yeelan doono xog laga duulo iyo xaqiiq dhab ah oo la xadhiidha shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi , “Qorshe walba xog baa u sal ah waxaana Alle fadligii ah in qaranku ugu dambayn yeelan doonno xog laga duulo iyo xaqiiqo dhab ah. Shaqadan oo xawaare iyo xirfad ku socota ayaa shaqaalaha dawladda lagu ogaan doonnaa xaalkooda iyo guud ahaan inta xirfad, xasaanad ama xurmo ka maqan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply