Xildhibaan Jawaab Adag ka Bixiyay Eedo Loo Jeediyay Golaha Wakiillada

0
17

Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan):- Guddoomiyaha guddida deegaanka, xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil Gaane, ayaa jawaab adag ka bixiyay eedo loo soo jeediyay golaha uu ka tirsan yahay, waxaanu beeniyay in wakiiladdu ay ku shaqeeyaan laaluush iyo in la iibsado codadka ay xeerarka ku ansixiyaan.

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaas ku daray in xeerka Tamarta ee ay galaha wakiilladu ansixiyeen in uu yahay xeer dalku leeyahay oo aan cid gaar ah u danaynayn, cidda diidanina ay tahay cid dano gaar ah leh oo doonaya in uu soo boxo xeer cid gooniya wax siinaya.

Mudane Gaane oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Xildhibaanku waxa uu ku gafay golaha wakiilada ee uu ka mid ka yahay, mana jirto cid gaara oo uu u danaynayo xeerka tamarta, waanu ka soo hor jeedaa xeerkani in cid gaar ah looga faa’iideeyo, haddii aanu xildhibaan kaasi isagu dhinaca kale ahayn ee ka soo hor jeeda xeerka ee doonaysa in cid gaar ah loo xidho korantada, xeerkani cid kasta xaqiisa ayuu sii nayaa, cid lacag ku bixisayna ma jirto ansixintii xeerka tamarta”.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in xeerka tamarta lagu maamuli doono shirkadaha korontada, si simanna ay uga faa’iidaysan doonaan tamarta, waxaanu yidhi “Xeerkan waxa lagu maamulayaa shirkadaha laydhka waxaanu xeerkani la dagaalamayaa in laydhka cid gaar ah loo xidho shirkadahana si nidaamsan oo ay u siman yihiin ayuu u siinayaa waxaanu Illaalinayaa ka faa,iidaysiga tamarta xeerkani shuruucda,waxaanu ku taxaluuqaa xeerkani danta guud ee qaranka,waxaana wasaarada macdanta iyo tamartu ku soo daraysaa xeerkan qaybtii badbaadada ee dabka sida looga taxadarayo,”.

“Xeerka maaraynta qashinka iyo fayodhawrka magaalooyinka dalka Somaliland waxa uu wax ka tari doonaa deegaanka oo ay ka mid tahay qashinka la daadiyo iyo bulaacadaha iyo wixii soo raacaya,waxaas oo dhan ayaa lagu xakamaynayaa haddii aad caagad iyo bac meel ku tuurto sharciga ayaa ku qabanayaa waxaanu xeerkani nidaaminayaa sidii loo heli lahaa wadan nadiif ah oo caafimaad qaba.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here