Garab ka Mid ah Xisbiga WADDANI oo Dacwad ka Gudbiyay Guddoomiye Cirro

0
274

By: Saciid Cagjar

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha garabka la baxay badbaada Xisbiga Waddani Cismaan Ibraahim Cismaan (Qawdhan) ayaa sheegay in ay maxkamadda u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khilaaf ka dhex curtay xisbigiisu uu sababay in ay laba garab u kala jabaan isla markaana ay kala qaybsamaan hoggaanka sare ee Xisbigu.

Guddoomiye Qawdhan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hay’addaha sharcigu ay ka garniqi doonaan khilaafka labada garab waxaanu yidhi “ waxaanu maanta(shalay) idiin sheegaynaa in arrinta aanu u gudbinay caddaaladda qareeno ayaanu u xil saarnay iyaga ayaa ku maqan arrinta oo u gudbinaya hay’addaha ay khusayso ee caddaaladda”

Guddoomiye Qawdhan waxaa kale oo uu wax laga xumaadu ku tilmaamay iyo hadal qaldan oo aan qaban in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo in lagu tilmaamo khaayin dalka khiyaameeya,waxaanu yidhi. “ nin caadiya Madaxweyne Silaanyo sagaal jeer kuma yidhaahdo khaa’inul waddan xabad, ma malaynayo inuu jiro qof Somaliland jooga oo ka mudan in la qadariyo Madaxweyne silaanyo weliba haddii uu dambi ku haysto waxba ma ahaateen waxa uu ku haystaa sharcigii uu gacantiisa ku ansixiyey kuna saxeexay kana shaqeeyey ayuu khaayin waddan ku sheegayaa waa naisiib darro, madaxweyne Silaanyo dambiga uu galay waxa weeye inuu Cabdiraxmaan guddoomiye golle wakiileed ka dhigo laba iyo toban sanno “

ayuu yidhi . waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “ reer xamar abkeey dooli dilow dad nool ma daaha” ninka qofkii reer Somaliland ugu da’da weynaa sagaal jeer khaayin waddan ku sheegay , ninka xoghayaha guud ku eryey qarannimada Somaliland ayaad difaacday ninka maalin walba sideedtanka kun ee cod ee lagaga guulaystay ee meel walba oo maxkamad lagu sheego leh aniga iyo Muuse ha nala kala guro guddoomiye Xisbi nooma aha sharciga ayaanan ku kalabaxaynaa.”

Leave a Reply