Mooshin Ka Dhan ah Shirkadaha Haamaha Shidaalka Berbera oo la Horgeynayo Wakiillada

0
418

By. Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, ayaa golaha u gudbinaya mooshin ka dhan ah shirkadaha lagu wareejiyay haamaha kaydka shidaalka ee Berbera ee maamula gacantana ku haya, mooshinkaas oo nuxrka uu xambaarsan yahay uu yahay mid ka dhan ah in haamaha shidaalka cid gaar ahi ay maamusho isla markaana lagu doonayo in lagu soo celiyo gacanta dawladda.

Gudoomiyaha gudi hoosaadka ilaalinta hantida qarankaxildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay inay 20-ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladu ay saxeexeen mooshinkaas isla markaana maalinta Sabtida la hor geyn doono golaha wakiiladda

Xildhibaan Naasir oo shalay warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi “Waxaa jira mooshin ay wadaan xildhibaano katirsan golaha wakiiladda Somalilland kana dhan ah haamaha shidaalka waxaanay ku qotontaa warbixintii hore ay u soo bandhigtay gudidani golaha oo markii horeba diidanayd in la wareejiyo sanadkii 2015-kii markaa iyada oo taa laga duulayo si loo sugo amniga qaranka Somaliland golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waxay wadaan mooshin ka dhan ah in Haamaha Shidaalka gacan aan ta dawladda ahayn lagu hayo, waxaanay wadaan in gacanta dawlada haamaha shidaalka ee magaalada Berbera lagu soo celiyo intii loogu talagalayna wey dhan yihiiin maalinta sabtida ah ayaana la hor keenayaa”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Markii haamaha la wareejinayayba golaha wakiiladdu waxaa ay arkayeen khataro fara badan, iyo duruurfo haamaha ku gadaaman tiibaana maanta caddaatay, sooona dedejisay in mar labaad golaha wakiiladdu ku doodaan in laga wareejiyo gacanta dadka gaarka ah, waxaa ay noqotay meel cid gaar ahi maamusho, khasaare xoogan ayaa soo gaadhay bulshada qaybaheeda kala duwan iyada oo lagu shubay shidaal aan nadiif aheyn, isla markaana waxaa dhici karta in xataa laabka iyo haamaha midna aanay dawladdu gacanta ku heyn, waana laba meelood oo gaar loo leeyahay,”ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire

 

 

 

Leave a Reply