Burco: Wiil Da’yar oo Hindisay Farsamada Gaadiid Casri ah Xukuumaddana Farriin u Diray

0
399

Burco (Dawan):- Wiil aad u da’yar oo ku jira fasalka todobaad ee dugsiga dhexe, kuna nool magaalada Burco, ayaa hindisay qalabyo kala duwan oo dhammaantood shaqaynaya, isuguna jira Diyaarad,Cagafcagaf,Iskarogo, gaadhi ciidan oo nooca qufulan ah iyo laambadaha laydhka ee la shito.

Qalabkan uu sameeyay oo dhammaantood ah kuwo casri ah, isla markaana ku shaqaynaya laydh iyo tamarta cad-ceedda ayaa ah kuwo dhammaantood wada shaqaynaya. Maxamed Axmed Qoorgaab oo ku nool magaalada Burco, dhigtana Fasalka todobaad ee dugsiga hoose dhexe ee Al-nuur Academy. Waxa uu hibo u yeeshay in uu soo kordhiyo hal abuur cusub oo casri ah, isla markaana la jaan qaadaya aqoonta farsamada casriga ah ee caalamka

Maxamed Qoorgaab ayaa telefiishanka maxliga ah BC42 uga waramay noocyo ka mid ah gadiidka Cirka iyo kuwa dhulka ee uu sameeyay iyo sida uu ku hindisay qorshaha farsamada gacanta ee uu curiyay.

Waxa kale oo uu ka codsaday shirkadaha waaweyn ee Somaliland iyo Xukuumaddaba in la gacan qabto si farsamada uu sameeyay ay midho dhal u noqoto oo dalka ay faa’iido ugu noqoto, isla markaana Somaliland ay u yeelato wax-soosaar ay kaga maaranto waxyaabo badan oo ay dibedda kala soo degto.

“Hawsha waxa aan si rasmiya u bilaabay sannadkii 2016-kii. laakiin wakhti aan ku qiyaasayo 2007-kii oo aan aad u yaraa oo aan miyiga joogay ayaan ku samayn jiray laanbadaha laydhka. Waxaa igu kalifay had iyo jeer warbaahinta waxa laga soo daayaa cimilada adduunka waxaa saameeyey qiiqa baabuurta, markaa waxaan isku dayey in aan keeno fikrad joojinaysa gadiidka qiiqaya oo aan ka dhigo mid tamarta cadceeda ku shaqeeya ama laydhka.”

Maxamed Qoorgaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Marka aad muwaadin tahay waxa aad jeclaanaysaa dalkaaga waxa ka maqan in aad u soo kordhiso. sidaas darteed waxaan isku dayey in aan sameeyo diyaarad dalku leeyahay, waxaanan astaan uga dhigay Calankeena.”

Maxamed oo ka hadlayay qaabka iyo hindisaha uu ku sameeyay Cagafcagaftan oo ah mid si toos ah u shaqaynaysa, isla markaana inta ay ciidda qaado ku guraysa iska-rogo uu iyada laftigeeda farsameeyay ayaa yidhi “Cagaftu waxa ay ka mid ahayd waxyaabaha hindisaha iigu jiray, dhawr jeer ayaan arkay Cagaf guraysa ciid, dabadeed waan is dul taagay qaabka ay u shaqaynayso, meelaha ay ka soo laabmayso iyo meelaha ay ciidda ka saydhinayso. markii aan eegay waxaan sawirtay in aan samayn karo taas oo kale, laba jeer oo aan ku guul-darraystay isku daygaas, markii saddexaad waan ku guulaystay.”

Mar uu ka hadlayay laambadaha laydhka ee uu hindisay iyo sababta ku dhalisay waxaa uu yidhi “Guryaha waxa lagu xidhaa guluubyo laydhkoodu aad u yar yahay, sidaas darteed marka aan wax sawirayo waan yara arki waayaa oo laymanka aan xariiqayo ayaa baydh-baydha, ka dib ayaan ka fekeray in aan sameeyo wax si fiican ii tusaya waxaan sawirayey. sidaas ayaan ku sameeyey oo ay ku hir-gashay.”

Ugu dambayn waxa uu codsaday in gacan lagu siiyo dadka farsamada hal abuurka ah leh in ay wax soo saari karaan oo la gacan qabto, waxaanu yidhi “Dadka xirfad abuurka ha la gacan qabto. Sababta oo ah waa kuwa dalka u soo hoynaaya sharaf iyo karaamo, sidaas ayay kula tartami karaan dhigooda dunid ku nool.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply