Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa u muuqda inay taladu ka dhabaqday oo caleentiisu caddaatey siyaasiyan.
Cabdi-weli Gaas waxa iska soo xidhay isku day uu ku doonayay inuu dagaal uu la galo Somaliland ku kasbado muddo kordhin u noqota cimri dherer uu kaga sii taliyo maamul-goboleedkaas, maadaama lagu wado inay doorasho dadban oo madaxtinimo ka dhacdo gobolkaas bisha December ee sannadkan. Iyadoo dadka siyaasadda axadhaa aaminsan yihiin in maamulka Garoowe hagaasay afartii sannadood ee uu majaraha u hayey marka laga eego dhinacyada amniga iyo awooda laamaha maamulka Puntland.
Qardoofooyinka Puntland ku haysay Somaliland way badnaayeen, hase ahaatee waxay jab aanay ka soo waaqsan Karin intii muddo ah kala kulmeen ciidammada qaranka oo 24kii Bishan ay isku haleeleen dagaal ka dhacay jiida Tukaraq.
Maxaa ka run ah dhawaaqa Cabdi-weli:
Xafiiska hoggaamiyaha Puntland, Cabdiweli Gaas, ayaa Axadii 27kii bishan soo saaray war-murtiyeed ay kaga jawaab celinayeen bayaankii dheeraa ee madaxweynaha Somaliland ku iftiiminayey siyaasadda nabadda ku dhisan ee xukuumadiisa iyo daan-daansiga dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya ka samaynayso soohdimaha Somaliland. Qoraalka Puntland waxa uu ahaa tawaawac hor leh iyo xog la’aan taariikheed oo haysata siyaasigan qurbajooga ah, waxaanu eedo been abuur ah u jeediyey madaxweynaha Somaliland oo ah mid dhinac walba nolosha kaga waayo aragsan maamuleyaasha Soomaaliya.
Waxa kaloo uu ka been sheegay madaxweynaha Puntland inay iyagu weerarka soo qaadeen dagaalkii Khamiistii oo khubarrada millatarigu ku tilmaansadeen miidaankii “kala baxa” wuxuu guul-daradii ka gaadhay dagaalkaas uu isku dayayaa inuu marin habaabiyo bulshadiisa iyadoo xogta dagaalka xaqiiqdiisa ay ka warqabaan shacabka Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo waqooyiga Gaalkacyo oo si weyn looga tabay guryahoodii da’yartii uu dabka saaray.
Yaa Dagaalamaya?
Dawladda Somaliland mustawaheeda maaha inay ku tiigaasho maamul-goboleedka Puntland oo hoos tagga xukuumadda Muqdisho ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waana xukuumadaas cidda ay is hayaan Somaliland. Xukuumadda Muqdisho xubno ka mid ah ayaa soo nashqadeeyay xasarada ay Soomaaliya ka wado soohdinta ay la wadaagto Somaliland.
Sidaas darteed, waxa Cabdiweli Gaas ka qaracmay in Somaliland ay dagaalkiisa u aragto mid aan isaga ka soo fulin hase ahaatee loogu laqimay inay dantiisu ku jirto dagaal uu la galo Somaliland.
In dagaalka Tukaraq ay xukuumadda Soomaaliya kaalin ku leedahay waxa caddaynaysa dhaawacyadii ay u daadgureeyeen magaalada Muqdisho iyo booqashadii uu Farmaajo ugu tagay cusbitaalka Xamar.
Gebo-gabo:
Somaliland waxay faq iyo fagaareba ka shaacisay mowqifkeeda la xidhiidha inaanay taako ka mid ah dhulkeeda uga tagaynin Soomaaliya, waxaana Cabdi-weli Gaas iyo Farmaajo la gudboon inay candhuuftooda dib uga liqaan inay ku xisaabtamaan dhulka Somaliland, waxaana la joogaa wakhtigii ay mandaqada ka talaabsan lahaayeen inta ILAAHAY kaga uumay oo kaliya. Taasi oo ah sida kaliya ee lagu sii xoojin karo nabad ku wada noolaanshaha gobolka Geeska Afrika.
Cumar Maxamed Faarax