Xukuumadda oo Badda ka Sifaysay Kalluumaysatadii Ajaanibka Ahayd

0
266

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha, horumarinta kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka sifaysay guud ahaan badda Somaliland dhammaan kalluumaysatadii ajaanibka ahayd ee heshiisyada kula jirtay xukuumadihii hore oo dhan.

Waxa kale oo uu sheegay in cuntada keliya ee la hubo xilligan hadda lagu jiro ee la ogyahay in lagu noolaan karo ee aan laga werweri karin in ay ku jirto badda, isla markaana xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in khayraadka badda laga faa’iidaysto oo ugu yaraan dadka xeebaha deggan ee xoolo dhaqatada ahaa ee duunyadii ay ka baxday in lagu tababaro in ay kalluumaysato noqdaan oo ay badda wax kala soo bixi karaan iyo in la horumariyo kalluumaysiga iyo ka ganacsigiisaba. si Somaliland dadkeeduna ay u helaan kalluun ku filan loona soo saari karo kalluun ganacsi noqda oo dibedda loo dhoofin karo.

Wasiir xasan oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan oo ugu horrayn la waydiiyay siday ula macaamilaan kalluumasatada ajaanibka ah ee heshiisyada kula jiray dawladda, ayaa ku jawaabay “maanta badda Somaliland kuma jiro hal markab ama doon ah oo ajaanib ah oo kalluumaysato ahi sanadkan bishii koobaad ayaanu dhammaantood ka saarnay badda oo aanu siinay waraaqihii ay kaga baxayeen wax dambe oo aanu heshiis la galnayna ma jirto markaa maanta badda Somaliland way ka bad qabtaa kalluumaysato ajaanib ah, kollay mar mar way dhacaysaa in ay tuugaysi ku kalluumaystaan laakiin wax sharci haysta oo baddeena ku jiraa ma joogaan tuugaysiguna meelaha fog fog ee badweynta in uu biyaha baddeena ka soo galo way dhici kartaa laakiin taana aad ayaanu u illaalinaa oo ula soconaa dhaq-dhaqaaqyada badda ka socda.”

Wasiirka oo la waydiiyay in ay jiraan noocyo kalluunka ka mid ah oo ay mamnuuceen in la soo dabto iyo sababaha keenay, ayaa ku jawaabay. “markeedii horeba kalluun mamnuuc ahaa in la dabto oo mamnuuc ahaa oo la iska dabtay ayaanu joojinay,Libaaxa ayaa mamnuuc ah,diinka ayaa mamnuuc ah,waxaa kale oo mamnuuc ah naaslayda badda, Libaaxuna wuu noocyo badan yahay markaa nooc libaaxa ka mid ah oo libaaxa yar yar ah oo mamnuuc ay tahay dabashadiisu isla markaana shirkadaha kalluumaysiga liisamadooda ku cad in dabashadiisu ay mamnuuc tahay ayaa si aan xad lahayn loo dabtay oo xoog badda loogu galay markaa kaas ayaanu mamnuucnay,Libaaxana sidiisaba dabashadiisu caalamka oo dhan waa mamnuuc waxaana loo mannuucay arrin mucjiso ah oo Libaaxa ALLE awood u siiyay oo ah in Libaaxu uu badda ka sifeeyo sumawga oo uu ka cuno wax kasta oo sun ah oo badda soo gala markaa Libaaxu waa sifeeyaha badda waana sababta dabashadiisa mamnuuca looga dhigay. Haddii Libaax la dabto oo uu badda ku yaraado waxaa badanaysa suntan badda dibadda ka soo gasha taasina waxay halis ku tahay dhammaan noolaha kale ee badda ku jira iyo dadka oo kusii noolba markaa Libaaxa sharci caalami ah ayaa mamnuucay Somaliland-na mamnuuc ayay ka tahay dabashadiisu, noocyada kale ee aanu mamnuucnay waxay ku xidhan tahay xaalado gaar ah mar ayaa la odhanayaa kalluunka noocaas ah sanad lama daban karo,ama meel heblaayo laba sano lagama geli karo badda oo lagama soo kalluumaysan karo,mar ayaa la odhanayaa kalluunka noocaas ah laba sano ayaaa la daban karaa oo tiro intaa leeh laga soo daban karaa markaa taasi waxay ku xidhan tahay hadba noocyda kalluun ee badda ku jira si loo illaaliyo tarantooda iyo in marka noocyda inooga baahan illaalinta tarantiisa in lala socdo waxaanan hadda wadnaa daraasad dhammaystiran oo dalka baddiisa oo dhan aanu ka wadno.”

Wasiirka oo la waydiiyay qorsheyaasha uga meel yaalla in bulshadu wax kala soo baxdo Khayraadka badda,ayaa ku jawaabay.“horta magaalooyinka ayaabay ku yartahay cunista kalluunku oo dadkeenu aad uma cunaan miyiguna kaba sii daran laakiin imika waxaa badan dadkii eer miyiga ahaa ee xeebaha ku noolaa dad badan oo kamid ah xoolihii way ka bexeen ha ugu sii darnaadaan deegaanada galbeedka ee duufaantii imika dalka ka dhacday ay ku dhufatay, markaa waxaanu doonaynaa in dadkaa badda ag deggan in horta lagu tababaro in ay badda ku noolaadaan oo waxay cunaan ay kala soo baxaan qorshuhuna maaha in qofka weyni uu ku noolaado oo keliya laakiin waxaanu doonaynaa in yar-yarka badda agteeda ku dhashay ee xooloku noolka ahaa in la baro cuntada badda oo lagu abababiyo maantana cuntada keliya ee la hubo ee lagu noolaan karaa waxay ku jirtaa badda, waxaa kale oo aanu wadnaa in la horunariyo oo kor loo qaado oo bulshada Somaliland khayraadka badda ay wax kala soo baxdo oo kalluumaysiga la horumariyo isla markaana kalluun ku filan dadkeenna lagala soo boxo badda isla markaana aynu dibedda u dhoofin karno.”ayuu yidhi wasiirka Xannaanada xoolaha horumarinta kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland XasamMaxamed Gaafaadhi oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply