Hargeysa (Dawan) Xubno magac, miisaan iyo milgeba ku leh bulshada reer Somaliland oo ay kamid yihiin , marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga UCID, Mudane Cabdinaasir Maxamuud Buun, Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraadya heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, dhibaatooyinkii caddaalad-darradu hagaysay ee ku kallifay inay dib uga noqoto midnimadii ay Soomaaliya la gashay iyo horumarka ay ku tallaabsatay.
Waxaana ay si isku mid ah hoosta uga xarriiqeen inaanay cidina hor istaagi Karin guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ugu horrayn si xilkasnimo leh u caddeeyey inay xisbi ahaan garab taagan yihiin guulaha qaranku gaadhay, isla markaana ay hoggaanka dalka ku taageersan yihiin dedaallada ay ugu jiraan sidii isku duubnida bulshada iyo horumarka qaranka loo taabbo gelin lahaa, waxaana uu yidhi, “Maanta Somaliland dal loo baqo ma aha, dal haddii aanu mucaaridkii nahayna aanu leenahay dawlad baanu ka ilaalinaynaa ma ah, waanu sii dhisanaynaa kursigaanu sii dhisanaynaa waanu usoo soconaa, duruufo badan baana inagu xeeran, kaala mid baanu nahay tallaabooyinkii ay reebtay duufaantii, kaala mid baanu nahay in aafadaas ay reebtay wax laga qabto, kaala mid baanu nahay dagaalladaas sokeeye ee dalka ka socda sidii wax looga qaban lahaa, difaaca qarankana kaala mid baanu nahay.”
Dr. Adna Aadan Ismaaciil oo iyaduna goobtaasi hadal duco iyo waano isugu jira ka jeedisay ayaa ka sheekaysay dariiqii loo maray helitaanka maalintani waxaanay tidhi “Waxaa caawa sharaf iyo farxad ii ah inaan ka soo qayb galo munaasibadan quruxda badan, xornimadeeni dalkeena Somaliland oo noqday dalkii 12-naad oo xornimo ka qaata gumeysiga dalalkii Afrika, waxaana inaga inagu xigay wadanka Madagaskar, waxaana inaga horeeyay 11-wadan halkan aynu taariikhda Afrika kaga jirnaa mid la badeli karo maaha, waa mid Somaliland ay leedahay, taariikhda ku qorana aynu ilaashan doono, guulaha faraha badan iyo khayraadka faraha badan ee Illaahey ina siiyay inuu Illaahey inala qaybtay inaga oo wada jir waxeena ku soo dhameysanay wada hadal iyo walaalnimo waxeena ku qabsanay wada jirkaa iyo walaalnimadaa iyo kalgacaylka aynu dadkeena iyo dalkeena aynu isu heyno aynu cadaw waa weyn iyo dagaalo kaga soo gudubnay, maanta waxaan jeclaan lahaa in bulshadeydu ka soo gudubto hadii ay jiraan wax kala kaxeynayaa, hadii colaadi jirto laga bogsado lagana hishiiyo hadii dhibaato jirtona laga wada hadlo, hadii horumar la tiigsanayo meel looga soo wada jeesto, oo gacmaha leys qabsado ubadkeena ayaa inaga sugaya, waxaynu rabna dal is heysta oo mid kaliya ah oo dadkiisu is wada jecel yahay oo meel uga soo wada jeesto dhibaatada kuna wareejino jiilka labaad ee inaga ina badeli doona waxaan Illaahey ka baryayaa in amaanada dalkeena inala xafido”
Cabdinaasir Xasan Buuni guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga UCID oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in marka qaranimo laga hadlayo xisbiyada qaranka Somaliland mid yihiin waxaanu yidhi “Anigo ku hadlaya magaca gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, iyo bahweynta xisbiga UCID waxaanu bulsha weynta qaranka Somaliland aanu ku tahniyadeynaynaa 58 guurada xuska maalinta 26-ka June, mudane madaxweyne dalkeenu waxaa uu marayaa meel wanaagsan qaranimo marka ay timaado mid ayaynu nahay, dawladnimo iyo dad shacaba oo suuqa ka hadlaa meel ma wada maraan, waana in qaanuunka dalku sareeyo si wanaagsan ayaa bulshada reer Awdal ugu riyaaqsan yihiin gurmadka aad ka gasheen duufaantii Sagar”
Dawannews Hargeysa office