Hargaysa (Dawan):- Madaxdhaqameed ka soo jeeda Gobolka Togdheer, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku taageeray nabadaynta beelaha walaalaha ah ee dirirta soo noq-noqotay ku dhex martay deegaanka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxaanay intaa ku dareen in ay gacan wayn ka geysanayaan dhammaynta shaqaaqadaas colaadeed iyo soo celinta walaalnimadii labada beelood.
Salaadiintani waxa kale oo ay sheegeen in ay gacan weyn ka geysanayaan oo ay diyaar u yihiin in la soo af-jaro colaada, isla markaana nabad buuxda lagu soo dhammeeyo xaaladda deegaanka Ceel-afweyn, lana soo celiyo nabadaynta labada beelood iyo walaalnimadii iyo wada dhalashadii labada beelood ee isku nafta ah.
Suldaaanka Suldaan Maxamed Guuleed Mire oo ka mid ah salaadiinta bariga Burco ayaa ugu horrayn shirkaa jaraaid ka hadlay, ayaa yidhi “wuxuu baaqani ku waajahanyahay shaqaaqadii ka taagnayd Ceelafwayn, waxaanu u soo jeedinaynayaa dhinacyada dhibaatadu ku dhex martay ee deegaanka Ceel-afwayn in ay u dhego nugladaan dhex-dhexaadinta oo ay nabada qaataan.”
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Xasan, waxaanu yidhi “Waxaanu ka xunahay dhiigga macno darrada ugu daadanaya Cee-lafayn, waxaanu baaq nabadeed u diraynaa dadka ehelka ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaankaas. Anagu ka madax-dhaqameed ahaan waxaannu an diyaar u nahay in aanu xukuumadda Somaliland kala shaqayno soo af’jaridda dhibaatadaa dabada dheeraatay ee Ceel-afwayn, waana in laga baraan dego xeer beegtida iyo culimada arinkaa gelaysa, si aanay mar kale u soo noqon mushkiladan inta badan taagnayd.”
Dawannews Hargeysa office