“Somaliland Waxay Qaran ku Tahay Xuduudaha Afrika Kala Qaybiyay”

0
277

Burco (Dawan)- Wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradda duulista iyo hawada ee xukuumadii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, mudane Axmed Cali Baynax ayaa sheegay in Somaliland aanay aheyn dal gumeystihii Ingiriisku uu ku wareejiyay beel gaar ah, markii uu xorriyadooda siinayay, balse ay ahayd qaran Xorriyad qaatay oo nidaamkiisa iyo dastuurkiisa iyo xuduudihiisaba leh.

Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas in uu joojiyo xiisadaha collaadeed ee uu hurinayo, ilsa markaana uu ka waantoobo dhalinyarada uu ku soo abaabulayo qabyaalada ee uu maalin kasta dabka ku gurayo.

Baynax, ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Tv-ga Eryal, ugu horrayn isaga oo ka hadlaya Somaliland iyo xorriyaddii ay ka qaadatay Ingiriiska iyo dhammaystirnaantii dawladnimadeeda, waxaa uu yidhi. “Somaliland waa dal qaatay sanadkii 1960-kii xornimadiisa,maaha dal beel uu ku wareejiyay gumeystihii Ingiriisku, wadan dastuur iyo nidaam lahaa noqdayna dal xora noqday, dawlad jirtayna uu ku wareejiyay gumeystihii Ingiriisku waxaana isku darsamey laba wadan oo xuduudo cadcad leh, xuduudahoodana Soomaali mey sameyn, labadaba waxaa sameeyay quwadihii waaweynaa ee xiligaa dunida ka jiray, 30-sano kadib ayaa dhammaanba beelaha Somaliland oo aanay beel la qasbay ku jirin, ay isugu yimaadeen magaalada Burco waxaanay 18-kii May magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iskula qaateen kagana tashadeen ayaahooda.”

Axmed Baynax oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray colaadda Somaliland ay u hayaan madaxda Soomaaliya oo uu sheegay in aanay bulsahda Soomaaliya la qabin laakiin ay ku kooban tahay cidda ku fadhida kuraasta ugu sarraysa dawladda taagta daran ee Soomaaliya halka looga taliyo,waxaanu yidhi “colaadda iyo xumaantu maaha mid dadka reer Koonfureed u hayaan Somaliland laakiin waa mid taalla kursiga Vila Soomaaliya, markaa madaxda kursiga Vila Soomaaliya fadhida hadii aanay u fikirin si kale oo aanay xaalada dib u qiimeyn oo aragtidan khaldan ee miiska saaran aanay dib uga fikirin sidii la doonayay waxba uma soconayaan”

“Colaada Tuka-raq ee Cabdiweli Gaas dabada kariixayo waxaan leeyahay dhibta geerida laga dhexlee inamada hooyooyinkood ayaad goblaminaysaa ee jooji oo dadku’ dad daris ah oo walaalo ah ayay ahaayeen ee colaadda aad u durbaan tumayso jooji Somaliland iyo Soomaaliyana waxaa xuduud u ah ta kala xadaysay Soomaaliya iyo Kiiniya iyo Somaliland iyo Jabuuti.markaa haku deeqo xuduud dhuleedka inta aad leedihiin,Somaliland waa dal iyo iyo dad qaran ah oo dhisan soohdimo caalamiyanaleh.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply