Laascaanood (Dawan):- Taliyaha ciidanka qaranka ee aagga bari sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen, ayaa kaalmo ballaadhan ka guddoomay madaxda gobolka Saaxil, deeqdaasi oo ay bixiyeen bulsho weynta ku dhaqan gobolka Saaxil, taas oo loogu talo galay in lagu dhiiri geliyo ciidamada qaranka.
Kaalmadan oo isugu jirtay noocyada raashin kala duwan iyo xoolo nool,ayaa ahayd tii ugu ballaahnayd ee ciidanka qaranka ay gaadhsiiyaan madaxda gobolka Saaxil oo ahayd markii labaad ee ciidanka qaranka ee jiidda hore ay gaadhsiiyaan.
Munaasibad lagu qabtay xerada Goojacade ee jiidda hore ee ciidanka qaranka oo kaalmadan lagu guddoonsiiyay ciidanka qaranka,ayaa ugu horrayn waxaa madaxdagobolka Saaxil ku soo dhaweeyay gobolka Sool Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir. “Waxaan leeyahay madaxda gobolka Saaxil ku soo dhawaada gobolkiinii oo ah gobolka Sool oo aad noogu timaadeen waana gobol aan la idinka lahayn qariibna kumatihidin eek u soo dhawaada Sool iyo jiidda hore ee ciidanka qaranka.”
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan,ayaa isna sheegay kaalmadaay sidaan in ay tahay mid aan qasab lagu soo rarin ee ay tahay mid ay ciidanka qaranka u garteen dadka gobolka Saaxil,,waxaanu intaa raaciyay in ay jireen dad badan oo kaalmokale soo wada oo ka tirsan gobolka Saaxil oo uu sheegay in ay kazoo deg degeen. “kaalmada aanu sidnaa waa mid ay garteen dadka gobolka Saaxil mana aha mid qasab lagu keenay laakiin waa miday dadka reer Saaxil u garteen waanan ka soo deg degnay kaalmo kale oo badan oo reer Saaxil ay diyaar ula ahaayeen.”
Kaalmadan oo ay soo dhiibeen dadweynaha degmooyinka Berbera iyo Sheekh ee gobolka Saaxil,ayaa isagoo faah faahinaya waxyaabaha ay ka kooban tahay Maayerka degmada Berbera waxaa uu yidhi.“Ciidanka qaranku uma haabhna raashin iyo wax loo geeyo waa ciidan dhisan oo qaran oo saadkiisa iyo saanaddiisuba ay u dhan tahay,laakiin bulshada gobolka Saaxil oo kamid ah bulshada reer Somaliland ee marwalba garab taagan ciidanka qaranka,ayaanu ka sidnaa kaalmadan oo ka kooban 902 neef oo adhiya 7 neef oo geel ah waxaa kale oo aanu sidnaa afartan tan oo raashin ah iyo noocyo kala duwan oo qudaar ah oo ay ku soo deeqeen beeralayda deegaanka Dhaymoole.”
Taliyaha ciidanka qaranka ee aagga bari oo kaalmadan ka guddoomay madaxda gobolka Saaxil Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen,ayaa yidhi. “aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa guud ahaan bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan mar walba garab taagan ciidanka qaranka,waxaanan gaar ahaan u mahad naqayaa bulshada iyo madaxda gobolka Saaxil oo aan halkan kaga guddoomay 40 tan oo raashin ah iyogaadhi qudaar ah iyo 902 neef oo adhi ah iyo 7 neef oo geel ah,ciidanka qarankuna waxaa uu gudanayaa waajibaadkiisa qaran oo uu mar walba u taagan yahay waanu u taagnaanayaa sugidda ammniga iyo fulinta waajibaadkiisa qaran ee ah difaaca qaranka iyo sugidda xuduudaha Somaliland..
Dawannews Hargeysa office