Agaasimaha Komishanka Aids-ka oo ka Hadlay Safar uu ku Tagay Sadex Gobol Kana Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Ugaas Axmed Cali Mahdi

0
302

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta HIV/Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac ayaa ka hadlay safar shaqo oo  uu ku soo maray qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac oo warbixin soo gaadhsiiyey wargeyska Dawan, ayaa sidoo kale ka jawaabay dhawaaq ka soo yeedhay Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Ugu horayna Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac oo ka hadlaya kormeer uu ku soo maray qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxaan kormeer ku soo maray sadex gobol oo kala ah Saaxil, Awdal Iyo Togdheer, safarkaas waxaanu ugu kuur galaynay xaalada ay ku sugan yihiin dadka la nool xanuunka Aids-ka.

Culimada, maayarada magaalooyinka iyo gudoomiyeyaasha goboladaasi waxaanu farnay in loo midoobo ka hor taga xanuunkaas iyo in daryeel loo fidiyo dadka la nool.”

Agaasimaha komishanka xakamaynta Aids-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay dhawaaq ka soo yeedhay Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) waxaanu  yidhi “sida la wada ogyahay Suldaanka Guud ee beelaha Arab waa suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  markaa cid kale oo suldaan guud ama ugaas ah oo sheegan karta saldanada guud ee beesha ma jirto, cid kale oo madax dhaqameedka ah oo aanu suldaanka u igman oo afka reerka ku hadli kartaana ma jirto, waxaanan u soo  jeedinayaa madax dhaqameedka beelaha Arab oo dhan inay ixtiraamaan saldanada guud ee soo jireenka ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply