Hargeysa (Dawan) Madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,
Waxaana madaxweynaha siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraduhu ay ka haadan ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa
Wasiirkii hore madaxtooyadda Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Alxmdulilaah,waxaanu maanta magaaladda Hargeisa aanu kusoo dhawaynay Madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),iyo marwadiisa marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde oo dalka soo gaadhay maanta,iyaga oo mudo dalka ka maqnaa, Axmed Siilaanyo waa hogaamiye Weyn,oo naftiisa iyo wakhtigiisa inta ugu badan ku bixyay dib-u-dhiska,daryeelka iyo dawladdnimada shacabka reer Somaliland,kaasoo baal dahab ah kaga jira taariikhda iyo sooyaalka ummadan, sidaa darteed waa halyay mudan karaamo iyo soo dhawayn”
Halkan Ka Daawo





















