Xisbiyada Mucaaradka oo Bogaadiyey Eragada Nabadaynta

0
258

Ceel Afweyn (Dawan)- Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa soo dhaweeyey go’aan xakamaha looga dhigay colaaddii ka dhaxaysay labada beelood ee wadda dega deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag .

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa bogaadayey ergadii wakhtiga dheer iyo dadaalka u galay sidii labada ardaa loo dhex dhigii lahaa hashiish waara oo xal looga dhigo dhiig danbe oo dhulka ku data.
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu xukumada ugu baaqay in ay maamulka dawladda soo gaadhsiiso gobolada bari ee jamhuuriyadda Somaliland isaga oo arrintaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi “aad ayaan ugu mahadnaqayaa ergooyinkii iyo culimadii u dhabar adaygay labadaa ardaana waan u mahad-naqaya, sida gobonimada ah ee Islaanimada ah ee ay arrintoodi u dhammaysteen. Dhallinyarasa hubka sidata ee geellu ka baxay waa in dawladdu qaramaysaa oo dawladdu galbeed ka timaad oo beri dhaqaale la keena shaqooyin laga abuuro si umadda loo jiheeyo “
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdirxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa isaguna soo dhaweeyay go’aamadaas, waxaanu sheegay in loo baahan in si dhab ah loo fuliyo go’aamada ay soo saareen guddiga nabadeynta deegaanka Ceel Afweyn, waxaanu ydihi “Somaliland waxa ay ku farxaysaa go’aanka la gaadhay. laakiin farxaddu waxa ay dhammaystirmaysaa marka la fuliyo,” ayuu yidhi.
Ugu danbayn waxa si nabad ah ku soo dhammaaday shirka lagu heshiisinayey labada beelood ee walaala ee dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel-afweyn iyo agagaarkeeda waxaana laga soo saaray qodobo la filaayo in ay dabar u noqdaan wada noolanshaha labada beelood.

Leave a Reply