Wasiirka Warfaafinta oo Xilkii u Kala Wareejiyay Agaasimaha Guud ee Cusub iyo Agaasimihii Hore

0
295

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa shalay xilka u kala wareejiyay agaasimihii guud ee hore, Cali Maxamed Cali iyo agaasimaha guud ee cusub Cismaan Xuseen Warsame oo dhawaan madaxweynuhu magacaabay.

Munaasibadda xil wareejinta oo lagu qabtay hoolka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland, waxaa ka soo qayb galay, wasiirka wasaaradda warfaafinta, wasiir ku xigeenka warfaafinta, xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE ee heer qaran, masuuliyiin ka socday wasaaradaha ganacsiga, maalgashiga iyo dalxiiska iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.
Ugu horrayna waxa munaasibada ka hadlay wariyeha ruug cadaaga ah Maxamed Xasan Cali (Weji), waxaanu ka sheekeeyay waxyaabihii uu qabtay muddadii uu xilka hayay agaasimaha xilka wareejinayay Cali Maxamed Cali.
Waxaa kale oo uu soo dhaweeyay agaasimaha guud ee xilka la wareegayay oo uu ALLE uga baryay in uu xilka u fududeeyo kuna asturo.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Maxamed Muuse Abees, ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibaddaasi, hadalkaasi oo isugu jiray duco iyo dardaaran, isla markaana uu ku sagootiyay agaasimihii hore, kuna soo dhaweeyay agaasimaha cusub.
Agaasimihii guud ee hore Cali Maxamed Cali, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta ku suntay in ay yihiin shaqaalihii ugu wanaagsanaa ee uu arko, lana shaqeeyo.
Waxaa kale oo munaasibadda xil wareejinta ka hadlay agaasimaha guud ee xilka la wareegay Cismaan Xuseen Warsame. Waxaanu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda in ay ula shaqeeyaan sidii ay ula soo shaqeeyeen agaasimaha xilka wareejiyay. waxaanu ballan qaaday inuu noqon doono masuul ku xidhan shaqaale waynaha wasaaradda oo guta shaqadiisa.
Dhinaca kale waxa halkaa hadal ka soo jeediyey guddoomiyaha goleha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), waxaanu shaqaalaha wasaaradda warfaafinta kula dardaarmay in si fiican ay ula shaqeeyaan agaasimaha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay wasaaradda warfaafinta.
Gabagabadii waxaa xilalka u kala wareejiyey agaasimaha cusub iyo agaasimihii hore wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax ( Guri-barwaaqo).

Leave a Reply