Madaxweynaha oo ka Qayb Galay Qalin-jebinta Jaamacadda Camuud

0
287

Boorama (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcaddii todoba iyo tobnaad (17-aad) ee ka aflaxda Jaamacadda Camuud University ee magaalada Boorame, kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 900 oo arday.

Xafladaasi oo ahady mid xambaarsan farxad iyo raynrayn ay dareemayeen ardayda qalinjebisay, waalidiintii ku soo tabcay iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashii xafladaasi. Waxaa ka qayb galay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda iyo martisharaf kale.
Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha guddida jaamacadda Camuud, Xaaji Axmed Miisaan Aarre oo ku hadlayey afka guddida, waxaanu hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisay iyo waalidiintii ku soo tabcay ubaxaasi qalinjebiyey.
Guddoomiyaha jaamacadda Camuud University, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo madasha furay ayaa si weyn madaxweynaha ugu soo dhaweeyay xafladda qalinjabinta dufcaddii 17aad ee jaamacadda.
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxa uu si qoto dheer uga sheekeeyay waayihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo doorkii laxaadka lahaa ee ay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ka soo qaateen, taabo galinta jaamacadda Camuud.
Guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Ardayda maanta qalinjabinaysaa waxay ku bilaabeen 847 arday. Mastarta waxa ka qalinjabiyay 102, ardayda. Digriigu waa 745 arday. waxaan ku dhawaaqayaa in ay dhammaantood qalin jabiyeen, waxaanan leeyahay hambalyo.”
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxa uu sheeray in uu aad ugu faraxsan yahay munaasibaddan oo kala soo qayb galay madaxweynaha Somaliland oo isaga laftigiisu ka soo baxay Camuud, waxaanu yidhi “Jaamacadda Camuud, marxalado badan ayay soo martay. waxaan aad ugu faraxsanahay in uu maanta inala joogo madaxweyne ka soo baxay jaamacadan Camuud.”
Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ku hadlayey afka ardayda qalin-jebisay ee shahaadada Master-ta ayaa, ku boorriyay ardayda qalinjebisay in ay tacliinta sii wadaan, islamarkaana si weyn looga wada shaqeeyo tayaynta tacliinta sare ee Somaliland. waxaanu yidhi “Waxaan ardayda ugu baaqayaa inay tacliinta sii wadaan, maadama ay haystaan jaanis iyo fursad weyn oo aanan annigu haysan barigii hore. Waxaa loo baahan yahay inaad badsataan cilmiga, islamrkaana aad dhawr qaybood oo tacliimeed barataan si ay u fududaato inaad shaqo fiican heshaan.
Ardayda qalinjebisay iyo xukuumada Somaliland, labadaba waxaan ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo tayaynta tacliinta sare ee dalkeenna.”
Dr. Raxma Sheekh Xasan Tubeec oo ku hadlaysay afka hablaha ardayda ka qalinjabiyay kulliyadda caafimaadka, ayaa haweenka ku dhiirigelisay in ay kordhiyaan dedaalka aqooneed, oo ay u dhabar adaygaan wakhtiga ay siinayaan waxbarashadooda.
Saleebaan Xuseen Aadan oo isna ku hadlayay afka guud ee ardayda jaamacada Camuud, ayaa si weyn u sharraxay dariiqii dheeraa ee ay u soo mareen in ay helaan shahaadada ay maanta u dabaal degayaan.
Guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa iyaguna dhankooda u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay waxaana ay si weyn ugula dardaarmeen arayda inay xil dheeraada iska saaraan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegi lahaayeen. islamarkaana ay dalkani la hiigsan lahaayeen dalalka horumaray.
Wasiirka waxbarshada iyo sayniska Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa hambalyo ballaadhan u diray guud ahaan ardayda sanadkan ka qalinjabinaysa guud ahaan jaamacadaha dalka isagoo wasiirku yididiilo fiican ka muujiyay mustaqbalka wanaagsan ee dalka Somaliland leeyahay, waxaanu wasiirku sheegay in xukuumadu heegan ugu jirto tayaynta tacliinta guud ahaan.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,oo ugu danbayn soo xidhay xafladda qalinjabinta ardayda jaamacadda Camuud, ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay, isla markaana gudoonsiiyey shahaadooyin ardaydii ugu sarraysay kuliyadaha kala duwan ee ay jaamacadu bixiso.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo gobolka Awdal, kuwaasi oo uu sheegay in loogu talo galay in lagu kobciyo gobolka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu jaamacada Camuud u balan qaad dhismaha biriij cusub oo isku xidhi doona magaalada Boorama iyo jaamacadda, iyada oo xukuumaddu ay bixinayso kharashka ku baxaya biriijkaasi. Isaga oo madaxweynuhu markii laga soo dareeray xafladda qalin-jebinta dhagax dhigay dhismaha Biriijkaasi.

Leave a Reply