Hargeysa: Booliska oo soo Bandhigay Lacag, Daroogo iyo Tuug ay Gacanta ku Dhigeen

0
282

Hargeysa (Dawan):-Maalmihii u dambeeyay ciidanka booliska Somaliland, ayaa hawl gallo ballaadhan oo ay ka wadeen guud ahaan dalka Somaliland, islamarkaana lagula dagaalamayay falalka tuugada iyo daroogada ah, ayaa lagu soo qab-qabtay tuug baabuurta xadda, noocyo ka mid ah daroogada sharci darradada ah ee dalka la soo geliyo iyo dadkii ka ganacsanayay iyo lacag caddaan ah oo isugu jira Somaliland shillin, dollar iyo birta Itoobiya.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Somaliland sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed Fooxle iyo afhayeenka ciidanka gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa ka hadlay eedeysaneyaal loo soo qabtay gaadiid la xaday, waxaanay sheegeen in ay hadda xidhan yihiin isla markaana la horgeyn doono sharciga.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska, ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabooyinka boolisku ay qaadeen iyo eedaysaneyaasha ay ku soo qab qabteen. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nimanka tuugta ah ee gaadiidka xada, illaa imika toban qof ayaanu gacanta ku heynaa oo ah raggii baabuurta xadayay ee tuugta ahaa, waxaanay ku xidhan yihiin saldhiga Koodbuur. waxaana lagu fulin doonaa sharciga haddii Illaahey ka dhigo”

Taliye Fooxle isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Waxaa lagu qabqabtay hawlgalkaasi ciyaal food dheerayaal ah oo badan, halkana waxaa yaalla daroogada Isbiirtada ah oo 81-litir ah, caagadahaasi waa kuwii wiilasha dhalinyaradda ah loogu shubayay ee dhaqanka lagaga bedelayay, lacagta hada idiin muuqatana waa lacagtii lagu iibiyay wixii hore ee baxay, dhamaan alaabtaa iyo daroogaada waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada booliska Somaliland, gaar ahaan qaybta bariga saldhiga Sheekh Nuur iyo ka 49 ee Gacan libaax”

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu waxaanu ydihi “Halkan waxaad ku aragtaan mukhaadaraad badan oo gacanta lagu soo dhigay, 85-litir oo Isbiirto ah, 86-caagadood oo madhan oo ah kuwaasi aad aragtaan, siddeed malyan iyo saddex boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah, kun iyo boqol bir oo Itoobiyaan ah , 362-dollar.

Dadka mukhaadaraadkan iibinayay waxaanu u heynaa illaa 8-qof oo rag iyo dumarba leh, waana kuwa shaqo ka dhigtay oo caadeystay inay waxaasi iibiyaan, ciidamada booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaana gacanta ku soo dhigay. kuwaa mukhaadaraadka lagu qabtay iyo kuwaasi gaadiidka xadayba waxaanu horgeyn doona sharciga”

Leave a Reply