Togdheer: Tuuladda Heere oo Markii ugu Horraysay Laga Hirgeliyay Xarun Caafimaad

0
309

Burco (Dawan)- Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Cilmi Diiriye iyo Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan golaha degaanka degmada Burco, ayaa si wada-jir ah xadhigga uga jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degaanka Heere oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Xarunta caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (MCH) ee laga dhisay degaanka Heere oo shalay xadhigga laga jaray, waxa dhismaheeda iska kaashaday bulshada ku dhaqan dedgaankaas, iyada oo Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer iyo xildhibaan Mubaarik Bidhi, ay xaruntaas geeyeen daawooyin kala duwan iyo shaqaale loogu talogalay inay xaruntaas ka hawlgalaan.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ee gobolka Togdheer oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku bogaadiyay bulshada Heere sida ay isugu abaabuleen ee ay u dhisteen caruntan caafimaadka, waxaannu yidhi; “Bulshada reer Heere, waxaan ku bogaadinaya in ay is abaabuleen oo ay wax dhisteen. anaguna waxaannu ugu dedaalaynaa in aanu idin garab is-taagno. maanta (shalay) waxaannu idiin sidnaa shaqaalihii caafimaad ee xannaanadan ka hawlgeli lahaa iyo daawadii.

Waxaan idinku baraarujinayaa dadkiina Heere ku nool in aad bulshada wacyigelisaan, haddii ay tahay hooyada lammaan iyo hooyada uurka leh. intuba ha yimaadaan xannaanada, si loola socdo xaaladahooga caafimaad.”

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isna halkaasi hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan tuulada Heere ay yihiin qaar abaal weyn ku leh, maadaama uu codad aad u badan ka helay xilligii doorashada, isla markaana aannu waxba ka hagran doonin sidii uu wax dib ugu soo celin lahaa, kana qayb-qaadan lahaa horumarka degaanka.

“Magaaladan Heere, waa magaallo aniga aad iigu weyn. Meel kasta oo aan joogana ma Ilaawo, tacabkii ay i gashadeenna inta aan noolahay way iga heli doonaan. Marba wixii aan helana waan ku soo celin doonaa (haddii Ilaahay yidhaa). Sababta oo ah, ,marka laga yimaado degmada Burco, degaanka Heere waa magaaladii codka ugu badan aan ka helay, wixii la igula ballamay in aan keenana waa waajib, maanta-na (shalay) in aan keeno aniga oo wadda Isuduwihii caafimaadka ee Gobolka Togdheer, daawooyinkii, gabdhihii kal-kaaliyeyaasha ahaa wada, ayaan magaaladii keenay, aadna waan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarik Bidhi.

Waxaannu intaas ku daray; “Cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha xannaanadan, Alle ha idinka abaalmariyo ayaan leeyahay. Haddii ay bulshada Heere tahay iyo haddii ay cid kale tahay-ba. Wax fiican ayaad samayseen, wax dan guud ah ayaa samayseen.

Waxa aad soo hadal qaadeen saldhigga booliska oo dhismihiisu idinka qabyo yahay, waxaan halkan idiinka ballanqaadayaa, oo aad igula xisaabtami doontaan in aan saldhigaasina ka hawlgallo, oo aan dhammaystiro.”

Dhinaca kale, bulshada ku nool degaanka Heere ee Gobolka Togdheer, ayaa masuuliyiintaasi iyo cid kastoo gacan ka gaysatay hirgelinta xaruntaasi uga mahadceliyay hirgelinta xaruntan caafimaad iyo daawooyinka ay keeneen, waxayna sheegeen in ay baahi weyn u qabeen MCH-ka.

Leave a Reply