Raysal-wasaaraha Itoobiya oo ka Xalay ka Hadlay Shaqaaqadii Jigjiga iyo Diridhaba

0
282

Hargeysa (Dawan):- Raysasal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba. waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska dadkii ku dhintay rebashadahaas oo ka dhacay Sabtidii toddobaadkan magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidaasna waxa xalay shaacisay Walta Information Center oo ka mid ah warbaahinta xisbul-xaakimka EPRDF. Sidoo kale waxa raysal wasaaraha Itoobiya uu dhambaal tacsi ah u diray 10 qof oo ku nafwaayey isku dhacyo ka dhacay magaalada Diridhaba, sida uu xaqiijiyey madaxa xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya, Fisum Arega.

Walta Information waxay intaas ku dartay in madaxweynihii dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar, uu xilkii ka degay, isla markaana ciidammada booliska dawladda federaalku ay la wareegeen ammaanka magaalada Jigjiga.

Dhinaca kale, wasiirka isgaadhsiinta dawlada fedaraalka ee Itoobiya Axmed Shide, ayaa sheegay in dawladda Federaalka Itoobiya ay baadhitaan deg deg ah, ku samaynayso ciddii ka dambaysay rabshadihii ka dhacay magaalooyin ka mid ah dawlad deegaanka Somaaliada Itoobiya. Waxaanu intaa raaciyay in sharciga dalkaas la marin doono ciddii dhibaatooyinkaas ku lug yeetalata.

Waxa kale oo uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya in ay ka go’an tahay in ay ammaanka sugto oo ay xasilooni ku soo celiso guud ahaan nabad gelyada dhulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiir Shide oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya in badan waxay ka cabanayeen cabashooyin badan iyo ku xadgudubka xuquuqal iinsaanka iyo xad gudub sharci darro ah.”

Axmed Shide waxa uu intaasi ku daray “Dhibaatooyin maamul xumo oo ballaadhan ayay shacabku ka cabanayeen. iyada oo taas la raacayo waxay isku dayday dawlada federaalka Itoobiya in wada hadal lal sameeyo masuuliyiinta hoggaamiya dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Iyada oo laga duulayo codsiga odayaasha dhaqanka iyo shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ka jira dawlad deegaanka iyo in isbedelkii ka dhacay waddanka Itoobiya uu ka hirgalo dawlad deegaanka Soomaalida. waxaana raysal wasaare Abay Axmed uu socdaalkiisii ugu horreeyay ku tegay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray “waxaanu muujiyay inuu wax ka qabanayo ka faa’iidaysiga horumarinta maamulka suuban, dimuqraadiyadda iyo in la ilaaliyo xuquuqal-iinsaanka shacabka dawlad deegaanka Soomaalida, laakiin in yar oo kooban oo ka mid ah masuuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalidu waxay ku tallaabsadeen in dhibaatooyin balaadhani ay ka dhacaan magaalada Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee dawlad deegaanka ah oo dhimasho badani ka dhacday.”

Wasiirka isgaadhsiinta dawlada fedaraalka ee Itoobiya Axmed Shide, waxa uu sheegay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga ay sababeen in la boobo hanti badan oo ay lahaayeen shucuubta kala duwan ee dalka Itoobiya, waxaanu yidhi ‘Waxaa la boobay hanti badan oo ay lahaayeen shucuubta kala duwan ee Itoobiya, waxaana jidgooyo sameeyay ciidanka liyuu booliska. waxaa si aad u fool xun loo boobay meherado, waxaana la gubay meelaha wax lagu caabudo. Mana aha mid matalaysa shacabka dawlad deegaanka Soomaalida.

Dawlada federaalku baadhitaan dagdag ah ayay samayn doontaa. ciddii dhibaatadaa ka dambaysay ee ku sifowdayna sharciga ayaa la horgayn doonaa.”

Wasiirka oo ka hadlayay tallaabooyinka dawladda dhexe ay qaadday, ayaa yidhi “Madaama oo dhibaatooyinkaasi sii ballaadheen waxay dawladda dhexe go’aamisay in amniga la sugo, waxaana lagu tallaabsan doonaa sidii sarraynta sharciga loo hirgalin lahaa.

Si ammaanka shacabka loo sugo hay’adaha amniga waxa amar lagu siiyay, lana farayaa. shacabka dawlad deegaanka Soomaalida in ay garab istaagaan ciidanka iyo hay’adaha amniga, sidii loo xasilin lahaa dawlad deegaanka, waxaana loo baahanyahay wada noolaanshaha shacabka kale ee Itoobiya waxaana loo baahan yahay in la ilaaliyo nabadgalyada.”

 

Leave a Reply