Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaraddas horumarinta maalgashiga Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), ayaa sheegay in dalka Somaliland uu yahay dal dihin oo ku habboon in khayraadkiisa kala duwan la maal gashado. Waxaanu tilmaamay in ay jiraan dalal iyo shirkado badan oo u hanweyn in ay maalgashiyo kala duwan ku sameeyaan Somaliland oo ay dhaqaale gliyaan, noocyada khayraadka dalku hodanka ku yahay.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan qorsheyaal dawladeed oo dalka lagu horumarinayo maalgashigiisa, isla markaana wasaaraddu xukuumadda masuul uga tahay oo ay waddo daraasado kala duwan oo lagu samaynayo sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka dalka ee ku habboon maalgashiga iyo siday ugu kala mudanyihiin in loo kala horraysiiyo.
Maxamed Axmed Cawad, waxa uu intaasi raaciyay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo diyaar u ah in ay dalka Somaliland hantidooda ku aaminaan oo ay maalgashadaan. Waxaanu tilmaamay in ay u ballan qaadayaan in Somaliland ay tahay dal ammaan ah oo hantida lagu aamini karo. sharciguna yahay ka ugu sarreeya oo lagu dhaqmayo.
Wasiir Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, waxa uu sidaasi ku sheegay, waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan. Ugu horrayna wasiirka oo la waydiiyay’ halka ay wax ka bilaabeen ka wasaarad ahaan, kol haddii wasaaraddu ahayd mid cusub, wasiir cusub iyo xukuumad cusub oo mar shaqadda wada bilaabay, ayaa ku jawaabay. “horta markii hore waxaa jiray wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, laakiin markii madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu dalka taladiisa qabtay, waxaa uu qaranka u sameeyay wasaaradda horumarinta maalgashiga. Taas oo muujinaysa sida madaxweynaha qaranka ay uga go’antahay in Somaliland gaadho horumar oo ay noqoto dal maalgashi caalami ah iyo mid dadkiisu maalgashadaan ba u diyaar ah.
Wasaarad ahaan, annaga oo taa ka duulayna, waxay noqotay shaqadii ugu horraysay ee aanu qabanay in wasaaraddu ay yeelato xarun ay deggan tahay oo ay ka hawl gasho.
Waxaannu hir gelinay dhismahan wasaaaraddu deggan tahay, waxaanu samaynay waaxyaha wasaaraddu ka kooban tahay iyo shaqooyinka ay qabanayaan oo aanu dejinay, waxaanu samaynay shuruucdii wasaaraddu ay ku shaqayn lahayd. Intaa marki aanu dhammaynay, waxaany daraasadaynay waa maxay shaqada aynu qaranka u haynaa?
Sababta oo ah, haddii aanad garanayn shaqada aad dalka u hayso iyo hawsha kuu taalla, ma garan kartid halkaad wax ka bilaabayso iyo halka aad u socoto midnaba. markaa shaqadayadu waxay tahay in Somaliland ay hesho maalgashiyo kala duwan oo lagula soo baxayo khayraadka kala duwan ee dihin ee Somaliland dal ahaan ay leedahay.
Waxaannu wada shaqayn leenahay wasaarado kala duwan oo u xil saaran meelaha la maalgashanayo, sida wasaaradda xoolaha iyo kalluumaysiga, beeraha, macdanta iyo tamarta iyo wasaarado kale oo badan oo kala duwan. Markaa imika waxaanu maraynaa meel wanaagsan oo ah in aanu shaqada aanu qaranka u hayno aanu si fiican ugu soo bandhigi karno cid kasta oo dalka maalgashi in ay ku samayso u baahan.
Waxaannu leenayay yool iyo higsi qaran oo ah ka uu nagu hoggaaminayo madaxweynaha qaranku oo ah in Somaliland horumar gaadho oo aan laga tahriibin ee loo soo shaqo tago. waanay noo astaysan yihiin meelaha la maalgashan karo ee aanu cid kasta oo danaynaysa aanu u soo bandhigaynaa.”
Wasiirka oo la waydiiyay siday ugu kala mudan yihiin maalgashiga khayraadka kala duwan ee dalku leeyahay, ayaa ku jawaabay. “Somaliland waa dal dihin oo cid waliba in ay maalgashato u hanweyntahay. sidaas oo ay tahay ka dawlad ahaan way noo kala cad yihiin baahiyaha maalgashi ee dalku u baahan yahay, waxaanay taasi ku xidhan tahay hadba cidda maalgashi in ay dalka ku samayso doonaysaa waxay rabto in ay maalgelin ku samayso.
Tusaale ahaan, haddii shirkado ama shaqsiyaad ama dalal doonaya in ay dalka maalgashadaan, laakiin aan astaysan waxay maalgashiga ku samaynayaan nooca uu yahay, haddii ay yimaadaan oo ay na waydiiyaan waxay maalgashi ku sameeyaan, waxaa ugu horreeya ee aanu doonayno in Somaliland ay maalgashi u heshaa waa korontada.
Sababta aanu taas u dooranay waxa weeye, maanta waxaynu nahay dalka ugu korontada qaalisan, waxaana sabab u ah nooca laydh ee aynu hadda isticmaallo oo ah mid laga dhaliyo mishiino, taas oo qaali ku ah shirkadaha laydhka ee bixiya adeegga korontada, waxaanay u baahan yihiin shidaal, qalabka dayactirka mishiinada oo laga shaqeeyo iyo hawlo badan oo kale. dalkana hawl aad u wayn oo muhiim ah ayay u hayaan, hadana in qaabkaa laga guuro oo la helo koronto ka duwan ta aynu maanta haysano, kana jaban, waa qorshayaga ugu weyn.
Sababtu waxay tahay, maanta wax kasta oo loo baahan yahay in la maal gasghada, koronto ayuu u baahan yahay, haddaad kalluun u baahan tahay, Laydh awood leh oo baraf samayn kara ayuu u baahan yahay oo qiime jaban. Markaa waxaynu qani ku nahay oo aynu haysanaa cad-ceed aanay caalamka in badan oo ka mid ahi haysan oo ay ka qatan yihiin. markaa waxyaabaha aanu soo dhawaynayo isla markaana aanu u raadinayno maalgashi ballaadhan waxaa ugu horreeya koronto laga dhaliyo cadceedda oo ah mid si fudud dhaqaalena looga samayn karo, dalkana baahidiisa dabooli karta. waxaa kale oo socda qorshe lagaga wada hadlay laydhka Itoobiya in Somaliland la soo gaadhsiiyo.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay rejada maalgashi iyo horumarneed ee uu qabo in Somaliland oo illaa findhicilku doollar uu ku joogaa ay gaadhi karto, ayaa yidhi. “waa run waxaan wasiir u ahay dal aan la aqoonsan oo dhammaan wax kasta oo uu u baahan yahayna dibedda kala soo dega, ama inta ugu badan la soo dega oo sidaad sheegtay Findhicilka ayaa doollar innagu jooga.
Haddana waxaan qabaa in Somaliland ay muddo yar oo kooba ku gaadhi karto horumar aan la malaysan Karin. waxa keliya ee aynu u baahanahayna waxay tahay innaga reer Somaliland ahaan in aynu ka shaqaysiino dhammaan muruqyada jidhka ee aynu leenahay oo aynu ka faa’iidayno oo maskaxdu inna shaqayso oo gacmuhu inna shaqeeyaan oo luguhu inna shaqeeyaan.
Maanta waxaynu ka shaqaysiinaa afka oo keliya oo waxaynu nahay dad hadal uun ka shaqeeya, laakiin haddii aynu muruqyada kale oo dhan ka shaqaysiino oo xoolaha horumarintooda ka shaqayno oo ay beerano dhulkeena oo wax kala soo baxno oo khayraadka badda ka faa’iidaysano oo ka shaqayno oo tamarta ka faa’iidayno oo ka shaqayno oo biyaha roobka tacab gelino oo badda ay ku dhacaan ka qabano oo xidhno oo wax ku beerano, waan hubaa in Somaliland gaadhayso meel aan la qiyaasi Karin.
Iminka oo la odhan karo waa riyo, taana waxaa sabab u ah dal dhan oo qani ah oo carro san ah ayaynu haysanaa. iska dhaaf wax kale oo waxaynu awoodnaa in guri kasta oo dalka ku yaalla in laga beeri karo ugu yaraan qudaarta uu u baahan yahay, laakiin taa waxaa inaga xiga in aynu ka gudubno in afka oo keliyi inna shaqeeyo.”
Wasiirka oo wali sii wata jawaabtiisa, ayaa intaa ku daray. “Waxaa tusaale cad kuugu filan in dalku innagu filan yahay haddaynu ka shaqaysano. waxaad dib u yara celisaa xusuusta maskaxda.
Somaliland xilli sidan aanay dunidu ahayn oo aanay adduunyadu sidan isugu furnayn oo aynu reer miyi ahayn bulsho ahaan oo ka horraysay magaalo soo galka, ayaynu soo soo noolayn. xilligaas waxaynu lahayn nolol dhammanteed aynu innagu la soo baxno. hadday tahay hoyga lagu nool yahay oo ahaa aqal Soomaali aan shay keliya oo dibed ka yimi ku jirin iyo dhammaan agabka weelka oo isna ahaa mid dalka lagu sameeyay oo aqoontii miyi ee xilligaasi ay muhindis ka ahayd.
Maanta oo aynu aqoon iyo tacliin helnay oo aynu dhulkii oo dihin haysano, ceeb ayay innagu tahay in aynaan nolosheena maarayn Karin. laakiin imikaka xukuumad ahaan waxaa naga go’an in dalkani isku filnaado oo uu helo maalgashi qani ka dhiga.”
Wasiirka oo la waydiiyay siday u kala doortaan maalgashiyada ajaanibka iyo ka muwaadiniinta, ayaa ku jawaabay. “horta maalgashiga ajaanibka ah waxaanu ka door bidnaa in la helo maalgashi ay leeyihiin dadka reer Somaliland.
Sababta oo ah maalgashiga ay dadkeenu ku sameeyaan dalka wuxuu ka faa’iido badan yahay ka dibedda innooga yimaadda oo lacagta maalgashiga ay ka sameeyaan ee ay ka faa’iidaan, muwaadiniintu waxay dib u gelaysaa dalka. laakiin maalgashiga ajaanibka ahi lacagaha ay macaashaan dalka way ka baxaysaa.
Markaa waxaanu wadnaa qorsheyaal ganacsada dalka lagu dhiiri gelinayo in ay u soo jeestaan maalgashida dalka iyaga oo wax isku darsanaya oo u guuraya hannaanka shuraakada. isla markaana ku dhiiranaya in ay dalka maalgashiyo kala duwan ku sameeyaa.
Waxa kale oo jira qorsheyaal aanu ku soo jiidanayno maalgashadeyaasha caalamiga ah oo aanu u soo bandhigno khayraadka kala duwan ee dalkeenu leeyahay iyo shuruucda dalka oo aanu u soo nabdhigno si ay u aaminaan Somaliland oo ay u garawsadaan in Somaliland iyada oo aan aqoonsi caalami ah helin in ay hadana tahay dal sharcigu sarreeyo oo qaanuunnada caalamiga ah dhammaantood wada waafaqsan. isla markaana ku dhaqanta dastuurka dalka iyo xeerarka u dejisan. Taas oo kalsooni buuxda siinaysa cid kasta oo dananaynaysa in ay Somaliland maalgashato.
Inti wasaaradda maalgashigu jirtayna shirkado badan oo caalamiya ayaanu u soo bandhignay fursadaha maalgashi ee Somaliland ay leedahay. Maanta haddaynu badda oo keliya khayraadkeeda ka faa’iidaysano iyadaa innaga badan.
Badda Somaliland waxaa ku jira kumanaan khayraad oo kala duwan, waxaynu qani ku nahay kalluunno dunida ku yar oo qaali ah. hal xabbo oo ka mid ah noocyada kalluunkeena ee baddeenna ku badan, ayaa suuqa madaw ee Japan qiimisiisu ka taagan yahay 300 oo kun oo doollar.
Markaa dalka xabbaddiisa kalluunka ah nooca la midka ahi intaa caalamka ka marayo ayaynu nahay, waxa kale oo in aynu deg deg u horumari karno fursadaha aynu haysano ka mid ah guud ahaan dadkeena 100/70 waa dhallinyaro. dhallinyaronimaduna waa mid ka mid ah jaaniska horumarineed ee aynu haysano markaa waxa qudha ee aynu u baahanay in aynu shaqo u dhaqaaqno.
Dawladdu waxay diyaar u tahay cid kasta oo doonaysa in ay maalgashato dalka in ay u fududayso, lana qabato wax kasta oo uu u baahan yahay.” ayuu yidhi wasiirka horumarinta maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan, subaxniddii hore ee dorraad, xilligaas oo uu ka soo horreeyay in badan oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, waxaanu wasiir Cawad shaqada soo galaa subax kasta lixda iyo badhka subaxnimo. xilligaas oo uu waraysiga nagu siiyay xafiiskiisa.