‘Baahideenna Waxa Biin Kara Waxaynu La soo Baxno, Midigtaadu Waxa ay Xoogsato ayaa Maydha Gaajada’

0
387

Wasiirka beeraha oo ka hadlay sababta loo joojiyey mashruuca qodaalka degmada Beer

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay sababta loo joojyey dhul afar boqol oo higter ah oo loogu talo-galay in dalagyo kala duwan lagaga beero deegaanka Beer ee gobolka Togdheer.

Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland, oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in laysku afgaran waayey mashruuca beer qodaalka ee deegaanka Beer, ee gobolka Togdheer, waxaanu yidhi “Mashruuca Beer wuu naga joogsaday, dadweynaha degmada Beer markaanu wada hadalnay dadka deegaanka waanu isku fahmi waynay mashruuca. Sababta oo ah waxa ay amineen in dawladdu dhulka kala wareegayso. sidaas darteed mashruucii deegaanka Beer waxaannu u wareejinay Xaaxi.”

Wasiir Seed ayaa faahfaahin ka bixiyey dalabka ay rabee dadka deegaanka Beer oo laba jeer kulamo kala duwan ay la qaateen. isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “markii aannu wada hadlaynay dadka Beer, waxa ay sabab igu dheeg in aan warqad u qoro oo aan idhaahdo dhulka laydin kama qaadayo ee idinka ayaa leh. markaa runtii taasina way ii noqon wayday. Masuuliyad ahaan inaan idhaahdo dhulka idinka ayaa leh. Sidaas ayuu mashruucu u isutaagay.”

Wasiirka wasaaradda beeraha ayaa sheegay in waddan walba uu leeyahay wax soo saar u gaar ahna, dalkeenan ay gaar u tahay cuntada waddaniga ah, waxaanu yidhi “Waddan walba wax buu caan ku yahay. inta badan dhulkeena waxa aynu ka beerannaa waa Galleyda, Hadhuudhka iyo Digirta. markaa waa in aynu awoodda saarnaa oo dadkeenu isticmaalaan.”

Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in wasaarad ahaan aanay diyaar u ahayn in la beero cuntada loo yaqaan Bariiska waxaanu ku sababeeyey in caafimaad ahaan ay ka wanaagsan yihiin cuntada waddaniga ah isaga oo arrinta ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bariisku qorshaha nooguma jiro. Sababta oo ah caafimaad ahaan ayaa laga dayriyey. waxaana ka caafimaad badan boqolkiiba boqol Galleyda iyo Garowga, xagga lafaha iyo dhismaha jidhkaba.

Tusaale ahaan haddaad jabto dadka waxa la siin jiray Garowga oo subaga lagu daray, kaasaa kabijiray. Cuntadeena aynu beeranaa aad ayey u fiican tahay, waxaana wanaagsan in ay dadkeenu ku baraarugaan oo ay cunaan.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha oo wargeyska Dawan, wax ka waydiiyey sababta ay culayska u saareen wax soo saarka beeraha, ayaa ku jawaabay “Sababta aannu culayska u saarnay wax soo saarka beeraha, waxa ugu wacan dalkeena oo wax walba ay debadda uga yimaadan.

Waxa aynu nahay ummad dhan oo dibedda wax ka sugta. Dunida ma jiro dal noocaasi ah, markaa baahideena waxa biin karta waxa aynu la soo baxno oo Soomaalidu waa tii tidhi gacmahaaga ayaa biyo lagaga dhergaa. waxaa la gaadhay xilligii aynu dalkeena wax kala soo bixi lahayn, si aynu u noqo ummad isku filan. Sababta oo ah midigtaadu waxay xoogsato ayaa maydha gaajada.”

Dadweynaha Somaliland ayaa wasaaradda beeraha ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho dhinaca wax soo saarka dalagyada beeraha, waxaanay ugu baaqeen in ay dadaalka kordhiso.

 

Leave a Reply