Laascaanood (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), ayaa ka hadlay xaaladda nabad gelyo ee gobolka Sool iyo qorsheyaasha waxqabad ee xukuumaddu ka hirgelinayso guud ahaan gobolka Sool.
Guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), waxa kale oo uu ka hadlay maamul daadejin ay ku samaynayaan laamaha dawladda ee gobolka oo uu sheegay in ay illaa heer tuulo ku fidinayaan.
Guddoomiye Cabdirashiid oo waraysi gaar ah khadka telefoonka ku siiyay wargayska Dawan, ayaa isaga oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda nabad gelyo ee magaaladda Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, waxa uu yidhi “Guud ahaan gobolku waa nabad gelyo, xaalad ka taagan oo jirtaana ma jirto, nabad gelyo ahaan iyo siyaasiyan ba way deggan tahay. Waxaannu u nimid maamulka in la dar dar geliyo, amnigana la xoojiyo labada ba waanu wadnaa.
Waxa jiray dhawaan in laba marxuum oo u soo galay ciidanka illaalada xarunta gobolka oo gaadhi watay, ciidankuna ka shakiyeen oo rasaas ay askartu ridday ku geeriyooday. Arrintaana waannu ka hawl galnay, askartiina waannu xidhnay, si baadhista loo sugo. Qoysaskii ay ka dhinteenna waanu qancinay oo dawlad ahaan iyo shacab ahaan ba waannu u galnay arrintaas.
Gobolku maalintii uu ugu wanaagsanaa ayuu jooga, waxa loo baahan yahay waa in hay’addaha amniga la xoojiyo oo maamul daadejin la sameeyo oo maamulka dawliga ah la gaadhsiiyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada gobolku ka kooban yahay. Arrintaana dawladdu diyaar ayay u tahay.
Waxa kale oo loo baahan yahay in ciidamada booliska laamahooda kala duwan tayayntooda kor loo qaado oo aqoon ahaan iyo qalab ahaan ba la dhiso oo la xoojiyo laamaha ammaanka. Si bulshada ay u adeegayaan ay si hufan ugu adeegaan, hawlahaasna waannu wadnaa qorsheyaashii aanu ku horumarinaynay.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyay in ay jirto kala qaybsanaan dhanka bulshada gobolka ah iyo waxa uga qorshaysan, ayaa ku jawaabay. “Sida laga sheegayo maaha, dadka gobolka Sool waa dad wanaagsan oo reer Somaliland ah oo aad u fiican. Waxa keliya ee ay u baahan yihiinna waa maamul isku xidha iyaga iyo dawladda, waxaanan qabaa haddii maamulku si wacan u shaqeeyo oo dawladdu waajibkeeda qaadato in gobolka Sool uu noqonayo gobolka ugu wanaagsan dalka oo dhan.
Dadka gobolka Sool, waxa keliya ee ay tabayaan waa madax isku xidha iyaga iyo dawladda dhexe, taasina way naga go’an tahay oo waa shaqada ugu horraysa ee aanu qabaanyno. Wax wer wer ahna kama qabo dhanka bulshada oo dadka gobolku waa dad aad u wanaagsan oo reer Somaliland dhaba ah. Laakiin waxaan is haleelin maamuladdii gobolka soo maray iyo dadka deegaanka.
Haddii aanu taa si wanaagsan uga shaqayno oo aanu maamulka daadejino oo illaa heer tuulo iyo degmoba aanu gaadhsiino oo dhammaan laamaha dawladdu ay sida ugu wanaagsan uga hawl galaan gobolka, waxaan qabaa in uu noqonayo gobolka ugu fiican Somaliland oo dhan.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyay shaqada ugu horraysa halka uu ka bilaabayo ee u qorshaysan, ayaa ku jawaabay. “Waxa koobaad ee aan ku dhaqaaqayaa waa in dib u eegis lagu sameeyo laamaha hay’adaha dawladda oo laga wada shaqaysiiyo iyo in bulshada qaybaheeda kala duwan la dhegaysto oo lagu xidhnaado. Maaha in siyaasad laga shaqeeyo oo keliya, dadkuna ay madaxdooda waayaan. Waxaan ka shaqaynaynaa in maamulku tuulooyinka iyo degmooyinka ka soo sahqeeyo oo uu qofka tuulada jooga dawladdiisa arki karo, ka degmada joogaana dawladdiisa arki karo, ka gobolkuna sidaa si leeg.
Waxa kale oo aannu xoojinaynaa laamaha ammaanka, marka aad dadka ammaankooda sugto ee aad nabad gelyadooda ka shaqayso, ee aad caafimaadkooda ka shaqayso, waxbarashadooda ka shaqayso ee aad dadkaaga waraysato ee aad baahiyahooga oo dhan aad ogaato, dhex gasho ee aad kulamo joogto ah la yeelato, ayaad ogaanaysaa meelaha u baahan in wax laga qabto. Xarunta maamulka gobolka ayaannu ballaadhinaynaa oo aanu dib u dhsi ku samaynaynaa, shaqaaleheeda ayaanu kordhinaynaa.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyay hanjabaaddii ka soo yeedhay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo in ay saamayn ku yeelatay deegaanka gobolka Sool, ayaa ku jawaabay. “Horta hanjabaadi waa hadal, hadalna waa la iska odhan karaa. Hadal nin yidhina anigu u jawaabi maayo oo dalku ciidan difaaca ayuu leeyahay oo hawshooda qabsanaya. Wax saamayn ah oo ay bulshada gobolka ku yeelatayna ma jirto, kumana yeelan karto oo halkii hadalka laga yidhi dee maaha, markaa nin iska hadlay ayuun baa loo arkaa, waana sida ay tahay.”