Ciidamo ka soo Goostay Puntland oo Isu soo Dhiibay Somaliland

0
303

Hargaysa (Dawan) Ciidamo ku hubaysan gawaadhida dagaalka iyo hub kale oo culus ayaa shalay ka soo goostay maleeshiyaadka maamulka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo isku soo dhiibay ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore.

Guddoomiyaha gobalka Sool Cabdirashiid Xuseen Gargaar, abbaanduulaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Ibraahim Askar, saraakiil ka kala tirsan ciidanka qaranka iyo ciidanka booliska ee gobalka Sool ayaa ciidamadan ku soo dhaweeyay jiida hore ee fadhiisimada ciidanka qaranka.

Guddoomiyaha gobalka Sool Cabdirashiid Xuseen Gargaar ayaa sheegay in ciidamadani ay ku soo guryo noqdeen dalkoodii hooyo, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wax dhiba oo laydiin haystaa ma jirto. Maanta ayaad ugu fiicantihiin. Qolada aad ka timaadeena waxba odhan maayo, waxa aan leeyahay dhib danbe dadka ha u gaysanina intii hore ayaa ku filane.

Idinkana ka ciidan ahaan waxaan idin leeyahay, dalkinii ayaad ku soo noqoteen oo idiin baahan iyo dadkiina oo idiin baahan, sidoo kale gobalkiina ayaa idiin baahan iyo guud ahaan dalkiina Somaliland”.

Abbaanduulaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Ibraahim Askar ayaa isna sheegay in ciidankani ka soo baxay fadhiisimada Godqaboobe ee ciidanka maamulka Putland. Waxaana uu yidhi “Ciidankani waxa uu ka soo baxay tuulada la yidhaahdo Godqaboobe, waana ciidankii aagga hore soo fadhiyay ee Puntland, ee dagaalka loo diyaariyay. Ciidan beeleedyadii la khalday ayay ka mid ahaayeen, halkaas ayay dayac ugu jireen markii ay is yidhaahdeen soo baxana waa lays hor taagay, hawd ayaanay ka soo wareegeen oo Boocame ayay soo mareen. Waxaana ka muuqda diif iyo dayac waana lagu danaysanayay”.

Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland ayaa dhinacooda sheegay in la qalday oo la majaro habaabiyay, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in ay go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dadkoodii iyo ciiddoodii, waxaana ay tilmaameen in aanay waxba ka jirin ciidamada Puntland ee ay ka soo baxeen.

Maaha ciidankii ugu horreeyay ee ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxaana muddooyinkii ugu danbeeyay kala yaacay maleeshiyaadka Puntland, kadib markii ay maamulkaasi awoodi waayeen dhaqaalihii ku baxayay maleeshiyaadka ururiska ah.

 

Leave a Reply