Xildhibaan Rayte oo soo Jeediyay            In Xisbiyadu Wada-tashi ka Yeeshaan Arrinta Doorashooyinka iyo Komishanka

0
361

 

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in ay daruuri tahay in axsaabta siyaasadda Somaliland, ay kalsooni ku wada qabaan Komishanka doorashooyinka qaranka, si ay u qabtaan doorashooyinka muddaysan ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan bisha saddexaad ee sannadka 2019-ka.

Jaamac Cali Rayte oo waraysi gaar ah shalay siiyay wargayska Dawan, ayaa sheegay in looga baahanyahay saddexda xisbi qaran in ay ka wada hadlaan oo ay iska qanciyaan kalsoonida ay ku qabaan koomishanka doorashooyinka qaranka. Waxaanu tilmaamay in aanay u muuqan in wakhtigeedii ay ku qabsoomayso doorashada golaha wakiillada Somaliland.

Rayte isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa arrin muhiim ah in xisbiyada qaranku ay kalsooni ku qabaan koomishanka doorashooyinka, si loo qabto doorashada golaha wakiillada, waana in xisbiyada siyaasaddu ay ka wada hadlaan oo lays qanciyo, waana arrin loo baahan yahay.

Waxa laga yaabaa in ay jiri karaan xildhibaano iska sii jeclaysanaya in ay kuraasta iska sii fadhiyaan. Sababta oo ah dastuurku waxa uu odhanayaa inta gole kale la soo dooranayo golaha hore ayaa sii fadhiyaya, dastuurkuna ma ogola in golaha baarlamaanku iska madhnaado.

Xukuumadda talada dalka haysaa, waa xukuumad cusub, waxyaabo badanina waa ku furmeen oo dagaalo ka mid yihiin, iima muuqato in doorashada golaha wakiillada Somaliland ay ku qabsoomayso wakhtigii loo muddeeyay, waana in xil layska saaro in doorashada golaha wakiiladu wakhtigeedii ku qabsoonto”.

Xildhibaanku waxa uu sharraxay caqabadaha ka hor iman kara qabsoomida doorashada golaha wakiilada. Waxaana uu yidhi “Baarlamaanku xaq uma laha in ay iska fadhiyaan kuraasta iyo in ay iska tagaan, waxaa loo baahan yahay in ay qabsoonto doorashada golaha wakiillada.

Xeerkii doorashada golaha wakiilada Somaliland, waa la sameeyay, hal qodob ayaa hadhsanaa oo ah ah saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo dad badani saluugsan yihiin sida loo qaybiyay.

Maxkamada sare waxa ay hore u go’aamisay in hal mar lagu galo saamiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada dalka, maantana qodobka hor taagan qabsoomidda doorashada waa qodobkaas oo golaha wakiilada Somaliland isku khilaafsanyahay.

Waxa kale oo hortaagan qabsoomida doorashada golaha wakiillada jamhuuriyadda Somaliland, kalsoonida ay xisbiyada siyaasadda dalku ku qabaan koomishanka doorashooyinka qaranka.

Xildhibaan Rayte, waxa kale oo uu soo dhaweeyay is bedaladdii is barkanaa ee ka dhacay dalka Itoobiya iyo Soomaalida Itoobiya. Kuwaasi oo uu tilmaamay tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, waxaana uu yidhi “Is bedal ayaa ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana laga yaabaa marxalad cusub in ay gasho oo aanay waligeed galin oo ay foodda la gasho oo ka furfuran marxaladihii hore oo ka xoriyad badan.

Si gaar ah ayaan ugu faraxsanahay is bedalka ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo aynu xuduud la leenahay, waana dal aynu saaxiib nahay oo ganacsi inaga dhaxeeyo, waana in Somaliland doorkeeda ka ciyaarto is bedaladaas siyaasadeed. Waana marxalad fiican oo dhinaca wanaagsan loo qaaday”.

Xildhibaanku sidoo kale, waxa uu taageeray go’aankii madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ee uu gacanta dawladda dib ugu soo celiyay maamulka iyo gacan ku haynta haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera. Waxaana uu yidhi “Markii horana digreeto madaxweyne ayaa lagu wareejiyay maamulka haamaha kaydka, imikana digreeto madaxweyne ayaa gacanta dawlada dib loogu soo celiyay maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee Bebera, waana sax in gacanta dawlada lagu soo celiyo.

Waa meelaha aanay ka maarmi-karin dawladnimadu, waxaana aan ka mid ahaa xildhibaanadii diidanaa in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay maamulaan haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera. waxaan u arkayay qorshe aan habboonayn in shirkado loo gacan galiyo haamaha kaydka, oo wax lagu saleeyay aanu jirin oo maangal ahi aanay jirin. Waxay ahayd in lagu kormeero shirkadahaa gacanta ku hayay haamaha shiidaalka. Shirkadaha qaarkood ayaa shiidaal xun keenay. Qiimihii shidaalkuna kor ayuu u kacay intii shirkaduhu maamulayeen kaydka haamaha”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in xisbiyada loo sameeyay in qabyaalada lagaga baxo hase yeeshee aan loo samayn in qabyaalad loo adeegsado. Waxaana uu yidhi “Xisbiyada waxa aynu u samaysanay in qabyaalada lagaga baxo. Dhalinyarada mustaqbalka hiigsanayana dhibaato ayay ku tahay, waxaana aan odhan lahaa mushkilad ka wayni ma taallo dalka oo qabyaalad ka wayni, waana in dastuurka loo soo noqdo”.

 

Leave a Reply