Kulan Wadatashi ah oo laga Yeeshay Xeerka kufsiga

0
332

Hargeysa (Dawan):- Guurtida xisbiyada qaranka iyo culimada dalka,ayaa kulan ka yeeshay xeerka Kufsiga,kana wada hadlay gefafka diimeed ee xeerkaa ku jira .

Kulanka oo lagu qabtay xarunta golaha guurtida Somaliland ee Hargeysa oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan

Waxana kulanka ka hadlay Culimo madaxda asxaabta iyo xubno ka tirsan golaha guurtida waxaanay dhammaantood isku raaceen in xeerka kufsigu yahay mid baalmasran Diinteenna suubban ee Islaamka loona baahan yahay in wax laga qabto.

Sheekh Cabdillaahi Xasan Barbaraawi oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa farta ku fiiqay cawaaqib xumadda ka dhalan karta xeerkaas haddii sidaa lagu daayo.

“Xeerkani waxaa uu sahli karaa ama ka qayb qaadan karaa faafinta anshax xumada iyo sinada waxaanu meesha ka saarayaa qodobadii shareecaddu u dejisay sinada kuwa kale ayaanu ku bedelayaa shayga iyo shaygii lagu badelayna meel ma wada gelaan oo lama odhan karo shaygii waan bedellay, kanaan ku bedelay isagiina waa uu joogaa, taasi caqlina qori maayo luuqad uu ku meel marayaana ma jiro, waxaanu xeerkani ka qayb qaadanayaa duminta qoyska oo dumarku way qadanayaan oo qof kasta, oo si uu u qanciyo baahidiisa jinsi qof kale fara fareeya, gabadhina anigu qof ayaan ahey ayay taagan tahay, miyaad heysaa qodob kale oo fasiraya oo odhanaya ninka iyo naagtiisu kuma jiraan garsoore ii xukun ninka, waxaana dhici doonta in ragga baad lagaga qaado sida imika gaalada ka dhacda, intaasi oo kun oo dollar keen haddii kale wixii dhacay waxaa uu ahaa qasab iyo jujuub, garsooruhuna hadalkeeda oo qudha ayuu cuskanayaa sida xeerkani uu dhigayo, wax kale oo loo baahan yahay ma jirto, taana burbur qoys ayaa ka dhalanaya xeerkani waxaa uu sababaya iska hor-imaadka iyo isku dhaca bulshada, waynu og nahay in kufsigu yahay fal dambiyeed islamarkana uu qofkii lagula kaco uu yahay dulmi, iyo xaqdaro qofka sameeyayna haddii uu yahay qof qaangaadha uu ciqaab ku muteysanayo waxaa aynu og nahay in sharreecadda diinta islaamku aanay sahlin oo waxyaabaha sharcigani uu dhigayo wax ka badan ayaa la jideeyay yaan la odhanin wadaadada, qareenada, ama xildhibaanada xeerkan ka hadlaya kufsiga ayay difaacayaan, anagu ma difaaceyno ee waxaanu leenahay kufsigu waa sino iyo dheeraad waxyaabaha xeerka ku taxaluqana waxaa ay doonayaan in aad looga fiirsado oo aad loo lafa guro”

Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin ayaa faahfaahin ka bixiyay xeerka iyo wadamadda laga soo waariday waxaanu yidhi “Xeerkan waxaa laga soo waariday shan xeer oo shan waddan ay leeyihiin ka koobaad oo ah xeerka faldambiyeedyada la xidhiidha ee dalka Seeralyoon, 2012 ayaana la dhaqangeliyay, xeerka labaad xeerka faldambiyeedyada galmada la xidhiidha ee dalka gaanbiya waxaana la meel mariyay 2013-kii xeerka saddexaad waa xeerka waa dalka Koonfur Afrika X/32/2007-dii xeerka afraad waa dalka Kenya, waxaana la meel mariyay 2006-dii ka shanaad waa heshiis, waxaana la yidhaahdaa heshiiska ka hor taga iyo xakameynta tacadiyadda galmada ee lagula kaco haweenka, iyo carruurta ee shirka caalamiga ah ee harada weyn ee afrika lana meel mariyay 2006-dii shantaasi xeer ayaa laga soo dheegtay xeerkani maanta leynoo keenay”

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay meel marinta eerkaas waxaanu yidhi “Golaha wakiiladdu waa in ay wixii dhaqanka la xidhiidha ay u daba fadhiistaan golaha guurtidda Somaliland maanta wixii ka dambeeyana yaanay idin harowsanin, harawsi ayay ku meel mariyeen xeerkan haddii uu diin ku saabsan yahay oo dhaqan ku saabsan yahay oo idinku aydaan ansixinin lama aqbalayo golaha wakiiladdana uma gudbayo, waayo dastuurkeena ayaa u banneeyay sida uu iyaga arrimaha maaliyadda ugu badax banneeyay, xeerkaa ansixintiisa waxba kama jiraan qof lagu qaadi karo iyo mid lagu xukumi karaa toona ma jiraan”

Xughayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi ayaa madaxweynaha u soo jeediyay in uu soo saaro waraaq uu ku mamnuucayo xeerkaas waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay adiga ayaa qarankan ugu sarreeya nin diinta iyo dhaqankana ku ad adag ayaad tahay, marka sidaa ku daa oo soo saar waraaq aad xeerkaa ku dileyso, waxaa kale oo aan madaxweynaha iyo golaha ugu baaqayaa in ay la taliye dhanka diinta ah inay sameystaan, si aan la inoo soo dhexmarin waa in sheekhu soo dhex fadhiyaa, markasta oo xeerarka laga doodayo, waa in macaa xisbiyadda qaranka ay sameystaan la taliyayaal diimeed”

gudoomiyaha gudida nabadgelyadda ee golaha guurtidda Somaliland Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan (Maxamed Ilkacase) oo isnaxeerka ka hadlay ayaa yidhi”Sharciyan dastuurku waxaa uu siinayaa dhaqanka iyo nabadgelyadda iyo diintaba golaha guurtidda, ismalihi waxbaa idinku seegay ee 14-ka qodob oo aanu ku qabanayba daaqada ayaa laga saaray, ciqaabaha waxaa lagu soo ururiyay in shareecadda loo raaco, iyo wax allaale iyo wixii ku taxaluqa, taasi ayaa la yidhi sidaasi ayaa shareecadda diinta loogu xukumaya wixii ka hor yimaadana waa baadil, ujeeddo kale oo meesha ku jirtaa ma jirtee waxaa loo socday waxaa ay aheyd shareecadda diinta Islaamka, xeerkani muu marin nidaamka golaha”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply