Suxufi ka Warramay Waayihii ku soo Maray Xabsiga Jeel Ogaadeen

0
466

Hargeysa (Dawan)- Wariye Ismaaciil Ibraahim Cali (Buurgaabo), oo ka mid ahaa maxaabiistii ku xidhnaan jirtay jeelka dhexe ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaano (Jeel Ogaadeen), ayaa ka warramay waayihii ku soo maray jeelkaasi iyo waxyaabihii uu kala kulmay.

Wariye Ismaaciil Ibraahim waxa uu ka mid yahay dadka xorriyaddooda dib u helay ee nasiibka u helay in ay ka soo baxaan Jeel Ogaadeen, waxaanu wargeyska Dawan oo kula kulmay gudaha magaalada Hargeysa uu la wadaagay waxyaabihii uu kala kulmay Jeel Ogaadeen, amase xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga.

Wariye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo ugu horreyn faahfaahin ka bixinayay sidii loo xidhay, halka laga soo qabtay iyo taariikhdiisa oo koobaan, waxa uu yidhi “Waxaan ahay dadka u dhashay deegaanka Soomaalidda Itoobiya, gaar ahaan gobolka Shabeelle, waxaan ahey wariye ka soo shaqeeyay dhammaan warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha ee dalka Itoobiya.

Taariikhdu markii ay ahayd 9/3/2015, ayaa aniga le isoo xidhay oo leyga soo qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo leygu soo xidhay Jeel Ogaadeen. Muddadii aan ku jiray jeelkaasi waxaanu cabbi jirnay koobka badhkii oo biyo ah, halka cuntada aannu heli jirnay laba wakhti oo kaliya.”

Buurgaabo waxaa uu sharraxaad ka bixiyay xabsiga dhexe ee Jigjiga iyo waxa loogu bixiyay magaca Jeel Ogadeen, waxaanu yidhi “Waxaa loogu bixiyay Jeel Ogaadeen, waa magac aan rasmi aheyn, waxaa la odhanayay xabsiga dhexe, dadka ugu badan ee lagu soo xidhi jiray ayaa reerkaasi u badnaa. Dalka dibadiisana waa laga soo bixiyay magaca.

Labaatan (20) qol ayuu ka koobnaa, waxaana ku xidhnaa dad gaadhaya 17-kun oo           qof, aniguna wakhtigii la isoo xidhay waxaan ugu tagey todoba kun ilaa shan kun oo qof, ciid aan dad la cafiyi jirina may jirin, waxaanu Jeel Ogaadeen ka mid yahay xarumihii dadka lagu cabsiin jiray, waxaanay wax la waddaagta xaga cunto xumida iyo jidh dilka Jeelkii uu Hitler dadka geyn jiray.”

Wariye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dheeraaday mudadii uu ku jiray Jeel Ogaadeen iyo waxyaabihii uu kala kulmay mudadiii uu ku jiray waxaanu yidhi “Afar sannadood ayaan xidhnaa oo aan ku jiray Jeel Ogaadeen, waxaa ila xidhnaa boqolaal ka mida dhalinyarada aqoonyahanka ahaa ee deegaanka, waxaanu u xidhneyn waxaad diideen Cabdi Iley, dad waaweyn oo culimo ah iyo dadkii diinta dadka barayay oo dhanna waanu isugu nimid, waxaa ku xidhnaa xabsiga bulshada shanta Soomaaliyeed oo dhan, raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa ka dhiidhiyay gumeysigaasi bulshada lagu hayay, waxaa kale oo jidhdilka laguugu geysanayay adiga oo xidhan inaad hadasho, caddaaladd daro ayaa leygu soo xidhay ma odhan kartid, waxaanad odhan karin Illaahow nasri noo keen oo dhibaatadda naga dhex saar.

Waxyaabaha aan xasuusto waxaa ka mida waxyaabaha aan xasuusto waxaa ka mida 2008-dii tirsi taariikheedka dalka Itoobiya niman ka tirsan urrurka ONLF ayaa yidhi iyaga oo xidhan dastuurku waxaa uu qorayaa in eheladayadu na soo booqato, waxaana lagu ciqaabay sideed sidaasi u odhan kartaan”

Wariye Ismaaciil waxaa uu xusay in aan haba yaraate wax xoriyatul qowl ahi aanay ka jirin deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Deegaanka muu jirin qof cabirri karayay fikirkiisa cabsi laga qabo awgeed, taliskii markaa joogay oo laga cabsanayo xataa haddii aad adigu ka fog tahay oo aanay jirin meel lagaa soo gaadhi karo, eheladda iyo dadka aad ku leedahaya deegaanka ayaa dhibaato loo geysanayay.

May jirin qof ku dhacayay inuu isticmaalo Social Media oo fikirkiisa cabiri karayay. xataa ka dalka dibadiisa jooga ayaan fikirkiisa cabiri karin, wax xoriyatul qawl ahi kama jirin gabi ahaanba deegaanka Soomaalidda Itoobiya.”

Ugu danbeyn Buurgaabo waxa uu sheegay waxyaabaha soo dedejiyay in albaabadda loo xidho Jeel Ogaadeen waxaanu yidhi “Xabsigii Jeel Ogaadeen waa la soo xidhay, waxaana soo xidhay dhalinyaradii deegaanka u dhalatay, dadka uu ugu horreeyo madaxweynaha dawladd deegaaneedka Somalida Itoobiya, ayaa rumeeyay rajadii dadka, waxaana la soo xidhay Jeel Ogaadeen amase xabsigii dhexe ee deegaanka, waxaa loogu tala galay oo laga dhigay masxaf amase musiem ay dadku soo booqdaan, iyadda oo la diyaarin doono dadkii halkaasi ku naf waayay ee halkaasi ku cago beelay, buugagta laga qori doono ee dadka deegaanka iyo kuwa bariga Afrika ka qori doonaan, documentryo ayaa laga sameyn doonaa, waxaana laga dhigi doonaa masxaf loogu yimaado dadkii dhibaatadda loogu geystay Jeel Ogaadeen, waxaana la furi doonaa qolalkii ciqaabta oo dhan waxaana goobta diyaar ku noqon doona dad u sharrixi doona jeelkan bulshooyinka kala duwan ee soo booqan doonta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply