Madaxweynaha Cusub ee Iran oo Balan Qaaday inuu Dalkiisa Ka Saari Doono Go’doonka

0
59

Masoud Pezeshkian ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Iran, isagoo ka adkaaday ninka ay is hayeen ee muxaafidka ah, Siciid Jalili. Ku dhawaaqida Pezeshkian, oo 70 jir ah, ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiintu ay sheegeen in uu helay 53.3%, in ka badan 30 milyan oo cod oo la tiriyay wareeggii labaad ee doorashada madaxtinimada. Dhankiisa, Jalili wuxuu helay 44.3%.

Codbixinta labaad ayaa timid kadib markii musharrixiinta midkoodna aanu ku guuleysan aqlabiyadda codbixintii ugu horreysay ee dhacday 28-kii June, taasoo ay u soo baxeen 40% codbixiyeyaal, waana codkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah 1979-kii.

Doorashadan ayaa timid ka dib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Ibrahim Raisi uu ku geeriyoody shil dayaaradeed bishii Maajo, kaasoo sidoo kale ay ku dhinteen 7 qof.

Isla markii lagu dhawaaqay natiijada, Pezeshkian ayaa u mahadceliyay taageerayaashiisa, wuxuuna ka codsaday dhammaan dadka reer Iran inay ku taageeraan shaqada adag ee hortaalla.

“Doorashada way dhamaatay tanina waa bilawgii isbahaysigeena,” ayuu ku soo qoray bartiisa X (Twitter-kii hore).

“Waddada adag ee ina hortaalla ma fududaan doonto adinka la’aantiin, garawshiyahiinna iyo aaminaadda, gacanta ayaan idiin fidinayaa, waxaana ku dhaaranayaa in aanan cidna idinka tagin” ayuu sii raaciyay.

Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabaaldegyo lagu taageerayo Pezeshkian ee Tehran iyo dhowr magaalo oo kale oo dalka ah.

Muuqaallada la duubay ayaa u badnaa dhalinyaro damaashaadaya oo lulaya calanka cagaaran ee lagu garto ololihiisa, iyadoo gawaari waddooyinka marayeyna ay hoonka garaacayeen.

Pezeshkian, oo ah dhakhtar qaliinka wadnaha ah, xubinna ka ah baarlamaanka, ayaa dhaleeceeyay booliska Iran ee muranka badan dhaliyay, wuxuuna wacad ku maray inuu raadinayo soo afjarida “go’doominta” Iran ee adduunka.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku baaqay “wada xaajood wax ku ool ah” oo lala yeesho quwadaha reer galbeedka si loo cusboonaysiiyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015, kaas oo Iran ay ogolaatay in ay xakamayso barnaamijkeeda nukliyeerka si ay uga badbaadiso cunaqabataynta reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Pezeshkian looma tixgelin karo qas; Taas beddelkeeda, intii uu ku jiray shaqadiisa waxa uu si cad u sheegay in uu ku xidhan yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka, Ayatullah Ali Khamenei, iyo go’aannadiisa.

“Anigu waxaan ahay qof mabda’ leh (qof ku xiran fikradaha sii adkeynaya Jamhuuriyadda Islaamiga ah) waxayna ka timid mabaadi’da aan raadineyno dib u habeyn,” ayuu ku dhawaaqay intii lagu jiray ololaha.

Pezeshkian sidoo kale ma ahan siyaasi saaxada ku cusub, isagoo xubin baarlamaan ka ahaa shan xilli.

Mudadii uu ku jiray baarlamaanka waxa uu sidoo kale dhaliyay muran isaga oo u ololeynaya in daroogada aan dambi laga dhigin.

“Illaa ay dowladdu noqoto tan keenta daroogada, ma awoodno inaan joojino,” ayuu yidhi. Waxa uu sidoo kale ahaa Wasiirka Caafimaadka 2001 ilaa 2005 xilligii dowladdii labaad ee Maxamed Khatami (1997-2005), oo loo arko madaxweynihii ugu horreeyay ee isbedel doonka ah ee dalkaas.

Khatami ayaa taageeray musharaxnimada wasiirkiisii hore, si la mid ah Mehdi Karrubi, wadaadkii mucaaradka ahaa ee isku dayay inuu madaxweyne ka noqdo doorashadii lagu murmay ee Iran 2009, tan iyo markaas wuxuu ku jiray xabsi guri, sida ay ku warrantay laanta Persian ee BBC.

Pezeshkian waxa uu hore isugu dayey in uu noqdo madaxa dawladda sannadaha 2013 iyo 2021. Markii ugu horraysay waxa uu ka tanaasulay in uu taageero musharrax kale, markii labaadna waxa diiday golaha wakiillada oo ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaanno ah.

Taageerada uu u fidiyay mudaaharaadyadii ka dhashay natiijadii doorashadii lagu murmay ee 2009 ayaa sabab u ahayd.

Marka laga soo tago hoos u dhigista xiisadaha ka dhexeeya reer galbeedka iyo in Iran ay dib ugu soo noqoto fagaarayaasha caalamiga ah, madaxweynaha la doortay waxaa uu u ballan qaaday dadka dalkiisa inuu raadin doono “isbeddel qaabdhismeedka” oo u oggolaanaya dalka inuu gaaro horumar caddaalad ah oo dheellitiran.

Ninka la tartamaya, Said jalili, wuxuu taageersan yahay in la joogteeyo xaaladda hadda taagan, wuxuuna u arkaa soo jeedinta madaxweynaha cusub inay qayb ka tahay “qaab-dhismeed fashilmay”.

Wuxuu ka mid ahaa kooxda wada xaajoodka Nukliyeerka ee Iran, waxaana uu taageero weyn ka dhex helaa culimada dalkaasi.

Jalili ayaa caan ku ah mawqifkiisa mayalka adag ee reer galbeedka iyo sida uu uga soo horjeedo soo celinta heshiiskii Nukliyeerka, kaas oo uu sheegay in uu ka soo gudbay “khadadka cas” ee Iran.

Codadka ayaa muujiyay in dad ka badan ay codeeyeen Jimcihii marka loo eego wareegii koowaad ee usbuucii hore, markaasoo tirada dadka u soo baxay ay ahayd tii ugu hooseysay tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979 iyadoo ay jirtay cabasho baahsan.

Sida laga soo xigtay hay’adaha doorashada, dadka u soo baxay doorashada ayaa gaaray 49%, taasoo sagaal dhibcood ka sarreeysa maalintii doorashada ee hore.

Qaar ka mid ah dadkii ka aamusay wareegii koowaad ayaa lagu qanciyay inay u codeeyaan Pezeshkian markan si looga hortago in Jalili uu noqdo madaxweyne.

Waxay ka baqeen in guusha Jaliili, Iran ay u socoto iska horimaad hor leh oo ay la gasho reer galbeedka, taas oo keeni doonta kaliya cunaqabatayn cusub iyo go’doomin dheeraad ah.

Si ay xaq ugu yeeshaan in ay isu soo sharaxaan, labada musharraxba waxa ay ku qasbanaadeen in ay soo maraan hannaan turxaan bixin ah oo uu hoggaaminayo Golaha Ilaalada.

Hawshaasi darteed waxaa tartanka laga saaray 74 musharax oo kale oo ay ku jiraan dhowr haween ah.

Golahan ayaa waxaa dhaleeceeyay hay’adaha xuquuqul insaanka oo ku eedeeyay in ay meesha ka saareen musharixiinta aan daacadda u ahayn dawladda.

Ka dib sannado badan oo kacdoon shacab ah, oo ay dhacayeen mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladda oo gilgilay dalka 2022 iyo 2023, dhalinyaro badan iyo kuwa dabaqadda dhexe ah oo Iraniyiin ah ayaa si qoto dheer aamin darro uga qaaday nidaamka jira, waxayna hore u diideen inay codeeyaan.

Baraha bulshada ee Iran, hashtag-ka Persian-ka ee “khaa’inul waddaniyiinta tirada yar” ayaa aad u faafay, iyadoo kooxaha qaar ay ku booriyeen muwaadiniinta in aanay u codayn labada murashax.

Laakin Ayatollah Ali Khamenei ayaa diiday soo jeedinta ah in tirada yar ee codbixinta ay ka dhigan tahay diidmada hannaankii soo jiray tan iyo 1979kii.

“Waxaa jira sababo (ka danbeysa tirada yar ee codbixinta) iyo siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ayaa baari doona, laakiin haddii qof u maleynayo in kuwa aan codeynin ay ka soo horjeedaan nidaamka, gabi ahaanba waa khaldan yihiin,” ayuu yidhi.