Aqoonyahay soo Bandhigay Sababihii Ku Kalifay Qorista Buug uu Diyaariyay

0
346

Hargaysa (Dawan)- Aqoonyahan Yaasiin Daahir Cumar oo ah muwaadin u dhashay Somaliland ayaa ka hadlay sababaha ku ka lifay in uu qoro buugiisa la magic baxay ‘Ninkii Qaxoontiga iyo Laantiisa Dahabka ah’ kaas oo uu kaga hadlay Tahriibka iyo dhaqanka.

Yaasiin Daahir Cumar oo shalay u warramayay wargayska Dawan ayaa waxa uu sheegay in Buugani uu kaga hadlayo qiso dhaba oo saamaysay nin dhalinyaro ah oo Somaliland u dhashay oo dalka ka tahriibay.

Yaasiin Daahir Cumar oo faahfaahin ka bixinaya sababihii ku kalifay in uu qoro Buugan, ayaa waxa uu yidhi “Buugani markii hore waxa uu ku soo baxay Af Faransiis, waxaana igu kalifay soddonkii sannadood ee ugu danbeeyay oo aan ku noolaa Qurbaha oo aan la deganaa dad iga dhaqan duwan iyo dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Somaalida ka soo kaxaynaysa wadankooda, taas ayaana igu kaliftay in aan buugan qoro.”

Mr. Yaasiin waxa uu intaasi raaciyay “Buugani waxa uu kaga duwan yahay buugaagta kale kaga waa qiso dhab ah. Waxaana dabagalka Qisadani igu qaadatay toddobo sanno, sidoo kale qoraalka Buugani waxa uu igu qaatay toddobo bilood, waxaana aad ku qasbantahay in aad soo hubiso meesha ay ka dhacday, maadaama qisadu tahay mid dhab ah, waa in aad hubisaa qofka ay ku dhacday iyo meesha ay ka dhacday”.

Yaasiin Daahir Cumar waxa uu sheegay in Buugani uu fasirayo dhibaatada qabyaalada iyo dhaqanka bedalmay ee Soomaalida. Waxaana uu yidhi “Buugani waxa uu fasirayaa dhibaatada qabyaaladda iyo dhaqanka, meelo kala duwan oo bulshada saamaynaya ayuu buugani ka hadlayaa, waxaana uu faa’iido u leeyahay dhalinyarta.

Waxa kale oo buugani ka hadlayaa dhibaatooyinka uu la kulmayo qofku marka uu tago waddan dibadeed ee uu dalkiisa ka tago.

Qisada aan Buugan kaga hadlayo ee ku qorani waxa weeye waa nin wax ku soo bartay dalka Hindiya oo ku soo laabtay Somaliland, ayaa caqabado ka horyimaadeen, kadibna waa uu tahriibayaa, waxaana uu socdaal ku marayaa Itoobiya, Suudaan, Liibiya, Talyaaniga, Faransiiska iyo Ingiriiska, waana Buug aad u qiimo badan oo u baahan in la akhristo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply