Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha , Saleebaan Cali Koore, ayaa balan qaaday in uu shaqo siinayo ardayadii ugu sarraysay jaamacadda Al-Pha faraceeda magaalada Hargeysa , taasi oo lagu magacabo Adna Maxamed Xaamud.
Adna Maxamed Xaamud oo ah ardayda ugu saraysay Jaamacada Alpha faraca ay ku leedahay magaalada hargeysa ayaa dareenkeeda ka cabirtay heerka waxbarasho ee ay gaadhay iyo fursad shaqo ay ee ay heshay maalinta ay jaamacada ka baxday, waxana ay tidhi “ Alxamdulilaah adaa ayuu u mahadsan yahay Wasiirku inuu maanta I siiyo shaqadaa , oo maanta laga bilaabo aan ahay shaqaalaha wasaaraddiisa horumarinta Biyaha , Illahay ayaa qadaray , farxad darteed wax aan idhaahdo ma garanaayo”
Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha ayaa arday ka baxday jaamacada Alpha kula dardaaramay in ay dalkooda aamiinan oo ay qalinkooda ku raadiyaan hilinka guusha , waxaana xusay in Somaliland ay jeexatay waddo qalin isku dhiib ah iyada oo qof walba lagu xusho waxa uu umadda u qabanaayo.
Dawannews Hargeysa office