Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka Warbixiyay Dacwado ay Burco ku Qaadeen

0
332

Burco (Dawan):- Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in cabashooyin ay ka dhagaysteen dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco, isla markaana ay kiisas dacwadood oo maxkamada sare ay ku qaadeen gobolka Togdheer.

Aadan Xaaji Cali Axmed, oo maalmahan bas afar shaqo ku maraya goboladda bari gaar ahaana Togdheer waxa uu in afartii cisho ee u danbaysay ay ka dhagaysteen dadweynaha magaalada Burco cabashooyinka ay ka qabaan garsoorka.

Waxaanu intaasi ku daray in ay ku dhawaaqeen dacwado ay ku qaadeen magaalada Burco, kuwaasoo iskugu jiray Ciqaab iyo Madani. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu shalay magaaladda Burco kulan kula yeeshay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee ka hawlgala gobolka Togdheer.

Isagoo faahfaahin ka bixinayay hawlaha shaqo ee ay u tegeen Togdheer iyo waxyaabaha uga fulay kiisas iyo dacwado ay ku qaadeen Burco. Waxaanu yidhi “Si fiican ayay u socotaa dacwadihii maxkamada sare ee aanu u soo rarrnay Togdheer, ee aanu ku dhagaysanaynay dawacwadaha.

Markaa dacwado badan ayaa la galay oo kala ah Ciqaab iyo Madani-ba. Meelo magaaladda Burco ka baxsan ayay dacwado ka dhaceen, dacwado lagu dhawaaqay na way jiraan, oo dacwadihii fududaa oo dhan waa lagu dhawaaqay, ama Ciqaabta ha noqoto ama Madaniga ha noqoto”.

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa kaloo uu tilmaamay in dacwadaha ay dhegaysteen qaarkood ay ka fiirsasho u baahan yihiin, isla markaana ay Hargaysa kula soo noqonaynayaan. Isagoo xusay in maxkamadaha gobolka Togdheer iyo garsooreyaasha ka hawl gala ba ay fareen in qaranku yahay xubin keliya, isla markaana loo baahan yahay in loo wada shaqeeyo.

“Dacwadaha qaar na waa lala noqonayaa oo ka fiirsasho ayay u baahan yihiin. Magaaladda Burco dacwado way ka galeen, cabashooyinkii dadweynaha way wadeen afartii cisho ee ugu danbaysay, ee lagaga cabanayay garsoorka.Markaa waanu xalinay.

Waxaanu aaminsanahay oo aanu ku hawl gal naa, oo aanu ku shaqaynaynaa, oo aanu farnaa maxkamadaha iyo Garsooreyaasha goboladda dawladdnimadu in ay tahay hal xubin, in qaranka loo wada shaqeeyo, oo dhinac looga soo wada jeedsado weeye” ayuu y idhi Aadan Xaaji Cali.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply