Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay weftiga ka socday golaha dhaqanka ugu sarreeya ee Qoomiyada Oromada ee socdaalka ku jooga Somaliland iyo dib u dhaca doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiilada oo uu tilmaamay in ay tahay arrin sharci oo u baahan in laga war sugo inta ay marayso dariiqa sharci ee dastuuriga ah.
Xildhibaanka oo ka hadlayay weftiga madaxdhaqameedka ah ee ka socda qoomiyadda Oromada ee dalka Itooibya, ayaa yidhi. “Weftigaa ka socday Qoomiyada Oromada ee Itoobiya dhaqan iyo baayac mushtar ayay u socdeen, wax siyaasadana shaqo kumay lahayn, madaxdhaqameed keenuna si fiican ayay u soo dhaweeyeen, dhaqankeena wanaagsan ayaana inna faraya in si wanaagsan aynu u soo dhawayno dadka martida ah, wixii ganacsiyana ganacsatada ayay ka wada hadli doonaan.
Wax badan ayaanu weftigani ka tari doonaa xaga amniga iyo xaga walaalnimada labada Qoomiyadood ee Somaliland iyo Oromada, waanan rejaynayaa in wetfi dhaqanka ah oo xageena ka socdaa ay tagaan dhinaca Itoobiya.”
Xildhibaanka oo ka hadlayay dib u dhaca doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ayaa yidhi. “Doorashooyinka dib u dhac ayaa ku yimi, Komishanka Doorashooyinkuna way caddeeyeen nidaamka sharcigu waxa uu yahay marka ay doorashooyinku qabsoomi waayaan ee Komishanku caddeeyo, awooda kordhinta mudada Golaha Wakiilada, waxaa awood u leh Golaha Guurtida, haddii Komishanka doorashooyinku caddeeyo in Doorashooyinku wakhtigii loo muddeeyay aanay ku qabsoomayn oo madaxweynaha u soo qoraan, Guurtida ayuu u soo gudbinayaa madaxweynuhu, si waajibaad kooda dastuuriga ah ay uga gutaan.”
Dawannews Hargeysa office