Madaxweynaha oo Sharraxay Ujeedada Laga Leeyahay Barnaamijka Shaqo Qaran

0
464

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda guud ee laga leeyahay barnaamijka shaqo qaran iyo waxyaabaha la doonayo in lagu baro da’yarta dalka.

Waxaanu sheegay in qodobadda la rabbo in dhalinyaradda loo soo carbiyo ay ka mid yihiin wadaniyadda, waajibaadka uu dalkiisu ku leeyahay, waxyaabaha ay iyagu xaq u leeyihiin in ay helaan iyo in la barro xirfado kala duwan oo shaqo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay barnaamijka shaqo qaran mid looga gol leeyahay sidii loo soo saari lahaa dhalinyarro mutacalimiin ah oo ka dhisan dhinacyo badan, isla markaana ay dhalinayradu u noqon lahaayeen kuwo wax tar u yeesha dalkoodda iyo dadkoodaba.

Isaga oo sharaxaad ka bixinayay u jeedadda laga leeyahay barnaamijka shaqo qaran, waxa uu yidhi “Hawsha aan ka rabno ama u jeedadda aan barnaamijka shaqo garan ka leenahay waxay tahay, koow in marka hore la barro muwaadin-nimadda. Muwaadin-nimadu maxay tahay? Waa waajibaadka uu dalku kugu leeyahay marka hore barro, dabadeed na waajibaadka aad adigu ku leedahay barro.

Imika waxaynu baranaa uun waajibaadka aad dalka ku leedahay. Waa in ay qofka ku soo korodho adiga maxaa lagaa doonayaa? Dalku wuxuu kaa doonayaa in aad naftaadda u hurto, Xabadda uun ma aha naf huridu. Markaa waxaa lagaa rabaa in aad ku fikirto, maxaad tari kartaa? Intaad ku fikirayso maxaa wax la ii tari waayay. Markaas ayuun baynu wax qaban karnaa”.

Madaxweyne Muuse Biixi, oo shalay khudbad ka jeedinayay kulan hawleed loo qabtay agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda, waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha kale ee dhalinyaradda lagu bari doono barnaamijka shaqo qaran.

Waxaanu yidhi “Waxaa la rabaa in qofka dhalinyaradda ahi uu barto is-dhexgalka dadkiisa, oo aanu Internet-ka ka wada akhriyin magaaladda ama gobolka uu joogo, gobolka kale iyo ka Shiinaha iyo ka Maraykanka. Balse uu dalkiisa kala yaqaano iyo waxa uu doonayo, haddii kale dalka ku dhaqmi kari maayo.

Waxa kaloo laga doonayaa in uu noqdo kayd shaqaale mar walba, oo hal shaqo haddii uu yaqaano tu labaad-na uu barto, oo uu bedeli karro. Haddii adigoo Dariiq maraya uu shil dhaco, waa in aad taqaanaa qofka dhaawacmay waxaad u qaban karto. Ugu yaraan gar-gaarka deg dega ah (First aid). Haddii uu Dab kaco waa in aad taqaano sida wax loo demin karo. Shaqo kasta waa in uu qofku fikrad guud ka haystaa, oo aanu shaqo qudha ku ekaanin. Taasina waynu ku bari doonaa dhalinyaradda barnaamijka shaqo qaran”.

“Waxa kaloo aynu barnaamijkaasi ku bari doonaa, oo aanay dhalinayradeenu aqoon habka dawladu u shaqayso. Waxa keliya oo ay dhalinyaradeenu yaqaanaan in ay Internet-ka ka akhriyaan sida dawladuhu u shaqeeyaan, sida baarlamaanadu u shaqeeyaan.

Dawlad waliba duruufteedda gaarka ah ayay leedahay, dawlad waliba baahideedda gaarka ah ayay leedahay, dawlad waliba si gaara ayay u shaqaysaa. Markaa waa in uu ogaado duruufaha dawladda Somaliland siday u shaqayso, oo berito u diyaar garoobo, oo haddii uu xafiis tago uu garanayo duruufaha yaalla. Waxaynu baraynaa waxa loo yaqaano dawladnimadda.

Waxay ku baran doonaan difaaca madaniga ah. difaaca madaniga ah muxuu yahay? Waa haddii duufaan dhaco, haddii Dab kaco, haddii rebshadi dhacdo oo xaafaduhu is laayaan, haddii cadow ku soo duullo, difaaca madaniga ahi waa in qofku yaqaano habka loo bad-baadinayo ummadiisa haddii dhibaato timaado. Qofka mutacalimka ah waa in uu arrimahaas wax ka yaqaanaa.

Waxa kaloo bari doonaa isku dul qaadashadda. Dhalinyaradu siday jaamacadaha uga baxeen xaggaa u baydh lama odhan. Si keliya ayuu u fikiraa. Qofku in uu madax banaanaado waynu u baahan nahay, laakiin, waa in uu bartaa is-maqalkii, wada shaqayntii, isu-dul qaadashadii iyo dooddii dadka dhexdoodda ah. Saddex bilood ayaynu intaa ku baraynaa”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply