“Waxaa Habboon in Aanay Saxaafadda Dalku Iska Dhigin Qaar ka Hooseeya Jeeb Ahaan Wadhatada Ka Xoogsata Suuqyadda” Wasiirka warfaafinta oo sharraxay cashuurraha lagu soo rogay warbaahinta

0
498

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Warbaahinta dalka ku boorriyey in ay raacaan xeerarka dalka u yaalla, isla markaana ay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay shalay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:-

“Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyaga oo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta.

Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah.

Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soo saar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27-kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin.

Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay in ay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta, derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba, waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyada oo qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi aad uga yar lacagta ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan wararka, barnaamijyada iyo xayeysiiska hal mar baxaya.

Waxa, haddaba, la gaadhay xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga.

Sidaa awgeed, waxaan mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta dalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply