“Haddaan Gadhku Nukliyeer Noqonayn Wax Kale Islama Hayo” Wasiir Saleebaan

0
542

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha mudane Saleebaan Cali Koore, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay mid ka mid ah raggii damiyada dagaal ka geystay Somaliland xilligii dadka reer Somaliland u halgamayeen la soo noqoshada madaxbannaanidooda oo hadda u tartamaya musharaxa jagada madaxweynaha sadexda gobo lee Punland la baxay ee maamul goboleedka Soomaaliya ninkaas oo ah maxamed siciid Xris Moorgan ooh ore u soo noqday taliyihii qaybta 26-aad ee ciidankii la odhan jiray xoogga dalka Soomaaliya markii wixii la isku odhan jiray Soomaaliweyn xilligaas oo fadhigiisu uu ahaa Hargeysa isla markaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka Somaliland ka geystay xasuuqyadii ka dhacay.

Wasiir Saleebaan oo qudbad ka jeediyay munaasida Hargeysa lagu qabtay oo lagu soo nabdhigayay waxqabadka sannadkii koobaad ay xukuumaddu dalka ka hir galisay oo buug lagu daabacay,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay dambiile Moorgan oo sheegay in uu Somaliland weerar ku soo qaadi doono haddii loo doorto Madaxweynaha gobolada Puntland ee Soomaaliya waxaanu wasiirku bulshada reer Puntland si waafiya ugu iftiimiyay in Somaliland ay diyaar u tahay nabad isla markaana aanay Puntland cadaw ku ahayn oo ay door bidayso in nabad lagu wada noolaado.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in ay jiraan wax dhul ah oo ka maqan Puntland oo Somaliland ay ka haysato isagoo shacabka goboladaa u soo jeediyay in ay iska qabtaan shaqsiyaadka xaalad abuurka ah ee aan nabad gelyada dadkooda ka shaqaynayn ee dagaal u joogga ah isagoo intaa raaciyay in Somaliland mar kasta diyaar u tahay nabad gelyo haddii la soo doontona caddeeyay in ay waajib tahay in ay dalkooda difaacdaan.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayana waxaa uu yidhi. “maalmahan waxaan maqlayay doorashada ka dhacaysa sadexda gobolka ee Puntland la yidhaahdo ee Soomaaliya ninkasta oo is leh waxbaad ku helaysaa hadalo aad iyo aad u dheer oo uu ku soo cel celinayay oo uu ku sheegayay oo uu I sticmaalayeen madaxbannaanida Somaliland oo ay soo qaadaan gobolaka mid ah Somaliland oo ay aad iyo aadugu raftaan.

Raggaa waxaa ka mid ah oo maalin dhawayd hadlay Moorgan,haddaan Moorgan taariikhdiisa dib ugu noqdo wuxuu ahaa ninkii haystay qaybtii 26 –aad ee fadhigedu ahaa Hargeysa oo ahayd qaybtii ugu xoogga wayneyn ciidankii Soomaaliya xilligaas waxaanu xukumayay 36 kun oo askari oo haystay taangi iyo tiyaarad iyo madfac iyo awood kasta oo ciidan leeyahay,ninkii ugu orodka dheeraa ee halkan laga eryadana wuu ahaa.haddaan qadhku Nukliyeer noqonayn wax uu maanta hayo oo gacantiisa ku jiraana ma jirto,markaa waxaan leeyahay waana hadal uu iska yidhi oo aanu ka fiirsan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray in Somaliland ay tahay dal iyo dad isku tashaday oo ah qaran madaxbannaan oo aan cidna u caga juglayn karin cidna aan uga baqayn difaaca xuduudkooda,waxaanu yidhi. “ Qarabka Somaliland waa umad is leh oo isku tashatay oo aan cidna u daba fadhiisanayn qarannimadeeda iyo xuduudaheeda,waa dad ku wada tashaday in ay qarrannimo wada ilaashadaan,waxaanu mar kasta rabnaa in aynu nabad ku wada noolaano si walaalnimo ah loo wada noolaado gobolada Puntland ee Garoowe,Gaalkacayo iyo Boosaaso,waxaan leeyahay waar dagaal waynu aragnay oo dhawaan ayaynu is aragnay wax ka wanaagsan in nabad aynu ku wada noolaanaa ma jirto ,waxaa kale oo jirta in nin kasta oo Puntland kursi ka doonaya muddo 21 sano ah in u ku ololeeyo dhul iyo gobolo ayaan soo celinayaa,hadalkaas oo ah mid xaqiiqada ka fof oo ah hadal siyaasi oo aan run ahayn,waxaanan diyar u nahay in banad lagu wada noolaadolaakiin cid kasta oo xuduuddayada soo faro gelisa waanu ka jawaabaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply