Waxqabadka Sannadka 1-aad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo la soo Bandhigay

0
990

Hargeysa (Dawan)- Dawladda Somaliland ayaa xaflad ballaadhan ku soo bandhigtay buugga wax-qabadka Xukuummadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee sannadka koowaad, kaasi oo lagu soo ururiyey waxqabadkii u hirgalay sannadkii hore 2018.

Buuggan oo ka kooban shan tiir oo kala ah Siyaasadda, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, maamul-wanaagga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, waxa soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Waxa buuggaas loogu xafladeeyey Huteelka Grand Haddi ee magaalada Hargeysa Isniintii, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro, Masuuliyiin ka socday xisbul-xaakimka KULMIYE, ganacsato iyo masuuliyiin kale oo lagu soo martiqaaday madashaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), furay Munaasibadaas ayaa sheegay in buugani koobsanayo waxqabadkii dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda waxaannu yidhi; “Buuggu ma weyna sida aad arkeysaan macnaheeduna maaha wax allaale wixii hay’addaha dawladdu qabteen oo dhan ayaa ku dhan, hase ahaatee waxa lagu soo koobay intii loo arkey inay ugu mudneyd, waxaannu wasaarad kasta iyo hay’ad kasta uga mahad-celineynaa sidii wanaagsaneyd ee aynu u wada shaqeynay, muddadii aanu ku guda jirnay diyaarinta buugan.

“Waxa kale oo aan u mahad celineynaa sawirqaadayaashii, Weriyayaashii ciddii isku soo dubaridistiisa buugga waxqabadka iska laheyd iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb-qaadatayba, madaxweyne ilaa ka ugu hooseeya, taasina waa mid muujineysa halganka loogu jiro horumarka dalka, arrinta laga yaabay, waxay tahay golaha wasiirrada ee xukuumaddani maaha kuwo doona inay warbaahinta ka soo muuqdaan, taasina waxay horseed u tahay in aan annaga nala arag, laakiin dadku arkaan wixii aanu qabaney,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Guddoomiyaha baanka dhexe, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa farta ku fiiqay kaalinta nabadgelyadda kaga jirto qaranka Somaliland ee curdinka ah waxaanu yidhi “Waxqabadkii xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muddadii sannadka aheyd ee ay jirtay buugan ayuu ku dhammaystiran yahay, madashana waxaa aynu u nimid waa daahfurkiisii, intaasi kadib waxaa ugu weyn ee Illaahey innagu galladay nabadgelyadda, taasi oo ah waxa kaliya ee ay Somaliland ku faanto, haddii aanu dhaqaale jirina ma jirayo amni iyo hay’adaha dawladddu.”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu xoogfa saaray dhanka wax-soo-saarka iyo sidii bulshadu u heli lahayd biyo ku filan, waxaanu yidhi; “Dhab ahaantii sharaf ayay noo tahay, in aanu waxqabadkii sannadkii ugu horreeyey ku soo bandhigno, buuggan waxqabadka xukuumadda madaxweyne Biixi, waxay ku tallaabsatay waxqabadka meelihii halbowlaha u ahaa qarankan in wax laga qabto oo ay ugu horreyso nabadgelyadda oo aad og tihiin in waxyaabo badan guulo badan laga soo hooyay, teeda kale madaxweynuhu waxa uu mihiimadda siiyay kor u qaadista wax-soo-saarka dalka iyo waliba horumarintiisa hadday tahay dhan walba.”

“Mucaaradku waxay xaq u leeyihiin mar walba inay wax toosiyaan oo ay dhaliilaan , mucaarad xisbiga Kulmiye mid ka adag oo dalka soo maray ma jiro, imikana ma hayno wax ilaa hadda ka danbeeya, laakiin waanu soo dhawaynaynaa wixii mucaaradnimo iyo toosin ah, waayo qaranka ayaa u baahan, laakiin waxyaabaha xaqiiqda ka fog waxay noqon doonaan wax ay bulshadu ka marag kici doonto,”ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu.

Sidoo kale, waxa xafladaas ka hadlay Wasiirka horumarinta Biyaha Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa, waxaanay sheegeen in xukuumaddu wax badan qabatay muddadii sannadka ahayd isla markaana ay u qorshaysan tahay inay mashaariic badan dalka ka fuliso afarta sannadood ee fooda innagu soo haya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply