“Hadii Golaha Guurtidu Nidaam Doorasho ku Yimaadaan Kaalintoodii Xalraadineed ayaa Lumi doonta” Safiir Cali Ismaaciil Xassan

0
991

Paris (Dawan)- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u dalka Faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil Xassan ayaa sheegay in ay lumi doonto kaalintoodii xalraadineed haddii Golaha Guurtida laga dhigo nidaam doorasho xisbiyo, kuna baaqay in habka xulitaanka loo maro.

Safiir Cali Ismaaciil oo wargeyska Dawan soo gaadhsiiyey qoraal la xidhiidha tallooyin lix qodob ah, oo uu ku soo jeediyey in loo raaci karo nidaam doorashada Guurtida oo ku socda shacabka, Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), Akadeemiga Nabada iyo Xukuumada Somaliland.

Danjire Cali Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Fikirkan oo igu dhashay bishii June, ee sannadkii 2014, ayaa ka dambeeyey ka dib markii isfaham-waa la xidhiidhay xukuumadii wakhtigaa iyo golaha Wakiiladu, keentay inay aakhirkii soo kala dhexgalaan Golaha Guurtidu, xal waayeelnimo ahna ku dhameeyeen, taasoo guud ahaan shacabka Somaliland Barri ilaa Galbeed si weyn u soo dhaweeyeen.”

Danjire Cali waxa uu intaasi raaciyay “Maadaama beryahan ay socoto qabanqaabada ama isweydiimaha bulshada dhexdeeda ee arrinka Guurtida iyo sifaha loo mari karo doorashadooda ama sidoo kale Baarlaamka, gaar ahaan Golaha Guurtida dhexdiisa wax iska weydiin ka timi nidaamka doorashadoodu loo mari karo, waxaan qabaa in qof kasta oo Muwaadin ah, heerkuu doono ama mansabkuu doono ha hayee looga baahan yahay inuu waxii uu talooyin u arko ku biiriyo, si bulshada Somaliland u gaadho yoolka ay hiigsanayso ee dal Madaxbanaan, oo dhamaan hay’adahiisa dawligu u dhamaystiran yihiin.”

Safiir Cali ayaa sheegay Taladda soo-jeedintiisa Lixda Qodob ee uu u arko in loo mari karo nidaamka doorashada Golaha Guurtida, kuwaasi oo kala ah sidan hoos ku qoran:-

1- In aan hab doorasho loo marin imaatinka Golaha Guurtida, balse ay nidaamka xulista ku yimaadaan, sida markii horeba loogu abuuray. Sababtan awgeed (hadii Guurtida loo qorsheeyo inay doorasho ku yimaadaan, waa inay 3 xisbi KULMIYE, UCID ama WADANNI midkood iska soo sharraxaan, akhriste sidee xubno Guurti xisbiyo ka soo jeeda oo xisbi hebel loo tirinayo u dhex gelikaraan khilaaf dhexmaray Xukuumada iyo xisbiyada, ama dhexdhexaadnimadooda loogu qancayaa?

2- In lagu xidho Da’ gaar ah, lagana ilaaliyo dhaxalka oo qofkii geeryooda ama sifo kale kursiga u banneeya, xulitaankiisa loo maro siduu ku yimi markii hore.

3- In laga qayb geliyo Bulshada Xoolo-dhaqatada iyo Beeralayda iyada oo aanay khasab ahayn in xubnahaasi Hargeysa ku sugnaadaan mar walba balse xilliyada fadhiyada goob-joog ahaadaan, wakhtiyada kalena ku laabtaan degaanadooda oo Guurtida looga baahan yahay, lana daadejiyo shaqada guurtida.

4- In lagu daro Aqoon Cilmiyeed oo Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Umadda markay hawlgabka noqdaan sida hormoodada Jaamacadaha dalka, lagu xoojiyo.

5- In laga qayb geliyo Culimada dalka.

6- In laga qayb geliyo Haweenka.

Safiir Cali ayaa gebagebadii sheegay inuu bogaadinayo Golaha Guurtida Somaliland oo ah tiir u taagan xal ka gaadhida khilaaf kasta oo saamayn ku yeesha bulsha-weynta Somaliland, beelaha dhexdooda ama Hayadaha Dawliga ah, kaas oo la’aantood dhinaca siyaasaddeena Guddo iyo Dibedba culays ku keeni lahaa geeddi socodka dimuqraadiyadeena socod baradka ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply