“UK oo ku Biirtay Dowladdaha sida Weyn u Danaynaya Somaliland” Daily Nation

0
837

Hargeysa (Dawan)- Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa shalay qoray in dowladda UK ay ku soo biirtay dalalka Imaaraadka carabta oo saldhig millatari ka sameysanaya Berbera iyo dawladdo naawilaya inay saldhig ka sameystaan Saylac.

Warkaasi oo Wakaallada Wararka Somaliland ka soo xigatay Daily Nation, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson uu Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kula kulmay Hargeysa ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Safaarrada Somaliland ku leedahay Nairobi may beenin, mana ay xaqiijin in UK doonayso inay saldhig millatari ka sameysato Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku faraxsan yahay booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi sii xoojinayo dedaalka ay Somaliland ku raadinayso Aqoonsi caalamiya.

Waxa kaloo uu danjire Baashe Cawil sheegay in socdaalkii Xoghaye Gavin Williamson uu tusmaynayo in bulshada caalamku ay garwaaqsatay muhiimada Somaliland.

Booqashada uu Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK ku yimid Somaliland waxay ku soo beegantay toddobaad ka dib, markii uu iclaamiyey in Ingiriisku doonayo inay saldhigyo millatari ka sameystaan adduunka, marka ay ka baxaan Midowga Yurub dib, waxaanu Wargeyska Daily Nation ku warramay in socdaalkan loo arkay inay suurtogal tahay in Xoghayuhu kala hadlay Somaliland sidii ay UK uga sameysan lahayd saldhig millatari.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Gavin Williamson, oo toddobaadkii hore booqday ciidammada UK ee ku sugan Kenya, uu xaqiijiyey in ka bixitaanka Midowga Yurub uu UK u ogolaanayo inay beddelaan siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen dalalka.

Warka Daily Nation daabacday waxa lagu sheegay in saldhigii Millatari ee Imaaraadku ka hirgelinayey Magaalada Berbera ee Somaliland uu dhammaan doono bisha June ee sannadkan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply