Dowladda Turkiga oo Xoojinaysa Xidhiidhka ay la Leedahay Somaliland

0
768

Hargeysa (Dawan)- Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya u qabilsan dalka Turkiga Ambassador. Mehmet Yilmaz ayaa ballan qaaday in dowladda Turkigu ay xoojinayso xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Turkigu ka waddo gudaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabiley Ambassador Mehmet Yilmaz , ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

Waxa kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

Ambassador Mehmet Yilmaz ayaa ballan qaaday in dowladda Turkiga ay xoojinayso Xidhiiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Dr. xasan Ismaaciil Yuusuf.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply