Maxkamada Degmada Hargeysa oo Qaaday Tallaabo Dhiirigelin Mudan

0
1283

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa, Cabdirashiid Beergeel ayaa shaaca ka qaaday in dacwadaha Ciqaabta ee Maxkamada soo galay Sanndkii dhamaaday ee 2018 oo gaadhayey 1,038 dacwadood, la dhamaystiran oo la soo gabagabeeyay dhamaantood.

Guddoomiye Cabdirashiid oo shalay kulan ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa kaga waramayey waxqabadkii Maxkamada Degmada Hargeysa ee sannadkii dhamaaday, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Dacwadaha Maxkamada Degmada Hargeysa sannadkii dhamaaday ee 2018 soo galay waxay ahaayeen Kun iyo Siddeed iyo Soddon (1,038) dacwadood oo Ciqaab ah.”

Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid oo faahfaahin ka bixinayey tafaasiisha dacwadahaa inta dhamaatay iyo inta weli garnaqeedu socdo ayaa yidhi, “Waxa dhammaaday 1037) dacwadood, waxa keliya oo socda hal dacwad oo imika garsoore garnaqeeda gacanta ku hayo. Dacwadahaa ayaa u kala qeybsamayey: dacwadaha Diin-Caayga ee maxkamada soo galay waxay ahaayeen 115 Ciqaab ah dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha Waalid-caasiga waxa soo galay 160 dacwadood oo Ciqaab ah, waxa dhamaaday 159 dacwadood, waxa hadhay halka dacwad oo ah ta imika dhegeysigeeda lagu jiro.

Guddoomiye Cabdirashiid oo sii faahfaahinayey dacwadaha Maxkamada Degmada Hargeysa soo gaadhay ee ay ka garnaqday noocyada ay kala ahaayeen ayaa yidhi, “Dacwada loo yaqaan Sarkhada waxay gaadhayeen 155 Ciqaab ah, dhamaantoodna way dhamaadeen. Dhaawaca fudud waxa soo galay 255 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dhaawacyadaa oo kala ahaa kuwo gacanta lagu geystay ama kuwo gawaadhi geysteen, ama shil baabuur ku yimi.

Dacwadaha Fara-saarka bulshada dhexdeeda wax aka dhacay, ee dacwadahooda Maxkamada Deg qaaday sannadkii dhamaaday waxay ahaayeen 24 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaano Cayda Laf-jabka ah, waxa soo galay 37 dacwadood Maxkamada Degmada, dhamaantood way dhamaadeen.

Dacwadaha kale ee Maxkamada Degmada Hargeysa soo gaadhay sannadkii hore isla markaana ay ka garnaqday dhamaatood, ayaa kala ah Dacwadaha Tahdiida, Khasaaraha, gacanta ama gaadhi, Tahriibta, Wadooyinka, Shiidka, Tuugo-qoys, Anshax-xumada, Dayacaada-qoyska, Laba Guurka, Ilaalinta Duurjoogta.

Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel ayaa gebagebadii warbixin sannadeedkiisa ku sheegay guud ahaan dacwadihii soo gaadhay maxkamada sannadkii hore, waxaanu yidhi, “Dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore Maxmakada Deg Hargeysa Kun iyo Sideed & Soddon dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dacwad keliya oo socota mooyee, waxa kaloo dacwadahan ka mid ahaa kuwo ku dhamaaday heshiisiin ama dacwad ka noqosho.

Warbixinta Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel ayaa muujinaysa dedaalka isaga iyo Hawlwadeenadiisu u mareen gudashada waajibaadkii ay bulshada JSL u hayeen, waana talaabo mudan dhiirigelin ay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof Adan X Cali & Guddida Caddaaladdu kaga falceliyaan, isla markaana noqda miqyaas ay kula xisaabtamaan gudashada waajibaadkooda dhamaan masuuliyiinta Bahda Garsoorka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply