“Sharciyan Dhul Kasta oo Qaranku u Baahdo Isaga ayaa Iska leh oo Qaadanaya” Maayer Soltelco

0
813

Hargeysa (Dawan):- Maayerka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)a, ayaa caddeeyay in sharciyan dhulka dalka oo dhan in uu qaranku leeyahay, isla markaana meel kasta oo ka mid ah oo dhulka dalka in qaranku mar kasta oo uu u baahdo uu qaadan karo, iyada oo cidda markaa dhulkaas deggan ama bino ku leh dawladdu ay dhul bedel siinayso.

Waxa kale oo uu caddeeyay in beeb gelinta biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa aanay cidna isu taagayn oo meel kasta oo uu marin beebku ku hagaago in la marinayo cid ka hor iman kartaana aanay jirin.

Maayerka oo ka hadlayay shalay kulan ay wada jir warbaahinta ugu qabteen Maayerka caasimadda Hargeysa, Maareeyaha wakaaladda Biyaha Maxamed Cabdi Daarood, xoghayaha dawladda hoose ee Hargaysa Axmed-juxa iyo xubno ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka caasimadda Hargeysa iyo masuuliyiin ka socday shirkadda ku guulaysatay beeb gelinta caasimadda Hargeysa.

Maayarka ayaa caddeeyay dhul kasta oo beeb gelintu ay u baahato in ay marinayaan oo ay dhul bedel siinayaan cidda deggan,vwaxaanu yidhi Maayer Soltelco oo arrimahaasi ka hadlayay. “Dadka waxaa ku jira Boqolkiiba toban ama in ka yar oo dhiba mashruuc kasta oo la qabanayo, waxaan leeyahay qofka is hor taaga tallaabo sharciga waafaqsan, ayaa laga qaadayaa, inteena kale ee wanaagsani iyadoo gacmaha is haysata oo wada shaqaynaysa ninka bullaacad ka qotay ama dayr ka samaystay ama sandaqadi u taallo midna biyaha Hargeysa u istaagi maayaan.”

Maayerka Caasimadda Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Dhulka uu u baahdo tawaangida biyuhuna dhul bedelkoodii ayaa la siinayaa. Sharciyan dhul kasta oo uu u baahdo qaranku dhulka isaga ayaa leh oo qaadanaya.”

Xoghayaha dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Axmed Juxa, ayaa isna caddeeyay in ballan qaadkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in ay kow ka ahayd in caasimadda Hargeysa ay biyo ku filan hesho, taas oo uu tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso loona baahan yahay in dadweynuhu ay kala shaqeeyaan shirkadda beebabka dhigaysa ee qandaraastay iyo dawladda oo wada jir hawshaa gacanta ugu haya. Waxaanu yidhi “Halkan hal qodob ayuun baynu ka wada hadlaynaa siduu ballan qaaday madaxweynaha qaranku markii uu ololaha ku jiray waxay ahayd in caasimadda Somaliland ee Hargeysa in ay biyo hesho waanay ka go’antahay dawladda in caasimaddu ay biyo hesho, markaa waxa loo baahan yahay in qof kasta oo meelaha beebabku ay marayaan wax ka yaallaan in uu ka qaato oo aanu dawladda iyo laamaha amniga aanu dhibin.”

Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cabdi Daarood, ayaa sheegay in mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa beebdhigistiisu ay soconayso muddo sadex sanno ah oo ka soo bilaabantay sannadkii dhammaaday markii shirkaddu ku guulaysatay qandaraaska, waxaanu bulshada u soo jeediyay in ay kala shaqeeyaan hawsha beeb dhigista oo ah mid aad u baaxad weyn.

Dhinaca kale mid ka mid ah odayaasha caasimadda Hargeysa oo ku hadlayay afka waxgaradka caasimadda Hargeysa, ayaa aad u soo dhaweeyay hannaanka beeb dhigista caasimadda Hargeysa loo wado, waxaanu intaa raaciyay in mashruuca beeb dhisgista biyo ballaadhinta Hargeysa in ay tahay hawl iyo shaqo u taalla dadweynaha reer Hargeysa oo laga sugayo in ay ka soo baxaan kaalintooda oo ay billad geesi ku qaataan.“Boqol soddon iyo sagaal KM ayay beebabku marayaan oo la dhigayaa cidda laga doonayo in ay hagaajiyaanna waa reer Hargeysa reer Maroodijeex waxaana loo baahan yahay in aynu arrintaa meel uga soo wada jeedno oo aynu billad geesi ku qaadano oo aynu la shaqayno dawladda oo aynu meel uga soo wada jeedno hir gelinta biyo gelinta Hargeysa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply