Xubin Cusub oo Loo Dhaariyay Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa

0
859

Hargeysa(Dawan):- Xubin cusub, ayaa shalay loo dhaariyay ka mid noqoshada xubnaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ee Somaliland.

Maxamed Jaamac Dubbad, ayaa shalay si rasmi ah uga mid noqday xildhibaanada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ka dib markii uu dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil.

Xildhibaanka cusub ee shalay loo dhaariyay xubinnimada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa bedelay Marxuum Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo faah faahinayay dhaarinta xildhibaanka cusub, ayaa yidhi. “Waxaynu halkan isugu nimi (Maxkamada Gobolka Maroodijeex) in lagu dhaariyo oo aan u dhaarino xubin ka bannaanaatay golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo uu banneeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Marka hore marxuumka waan u ducaynaynaa ALLE ha u naxariisto, shaqada dawladda ayaa ah marka qofku meel banneeyo in la buuxiyo illayn shaqada qaranku taagnaan maysee, markaa waxaan u dhaarinaynaa maanta (shalay) xildhibaankii ku xigay xaga derajada codadka oo ah mudane Maxamed Jaamac Dubbed Ducaale oo imika marka la dhaariyo ka dib noqonaya xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Dhaartuna waa dhaar dastuuri ah oo ku xusan qodobka 136 ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhaarinta ka dib waxaa isna halkaa hadalo kooban ka yidhi Guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Waxaanu sheegay in xildhibaanka cusub ee loo dhaariyay xubinnimada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa in ay soo gudbiyeen gudida doorashooyinka Somaliland, isla markaana dhaarta ka dib uu kamid noqday xubnaha xildhibaanada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, waxaanu xildhibaanka cusub ku soo dhaweeyay golaha deegaanka, waxaanu u duceeyay Marxuum Siciid Xaaji Axmed Cali (Siciid Xaaji Af-qalooc) oo ka geeriyooday golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply