Dalka Spain Oo Markii Ugu Horeysay Yeelanaaya Tareenka Dheereeya.

0
867

Dalka Spain ayaa markii ugu horeysay yeeshay tareen nooca dheereeya ah, kaas oo la filaayo inuu isaga kala goosho magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, waxaanu socdaalkiisa ugu horeeya ka bilaabi doonaa magaaladda Cadiz ee dalkaasi.

Tareenkan oo ah nooca lagu magacaabo Hyperlink magaciisa saxda ahina yahay Quintero One ayaa lagu sameeyey  dalkaasi , waxaana samaysay shirkad laga lee yahay dalkaasi Spain, isaga oo dherer ahaan gaadhaaya 32 meter, culays ahaana 5 tan, halka uu qaadaayo rakaab dhan 30 ilaa 40 qof.

Warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay waxa tareenkan samayntiisa lagu hawlana muddo 5 sanno ah, iyada oo uu xawaarihiisu dhan yahay 1000 km oo uu saacadiiba jaraayo .

Tareenkan ayaa magaalooyinka Cadiz iyo Barcelona u kala soconaaya wax ka yar 60 minutes , iyada oo ay hore dadku ugu dhibanaayeen socdaalka magaalooyinkaasi .

Tareenkan ayaa la filayaa inuu sidoo kale mustaqbalka isku xidho dalalka Yurub, iyada oo magaaladda ugu horeysa ee uu ku xidhi doono dalka Spain ay noqon doonto magaaladda Toulouse ee dalka Faransiiska .

Leave a Reply