Qaar Kamida Magaalooyinka Waaweyn Ee Caalamka Oo Cabsiyi Soo Foodsaartay.

0
925

Magaalooyinka ugu waaweyn caalamka ayay cabsi badani soo food saartay, taas oo laga dayrinaayo jiritaankooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay warbaahinta News Report oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.

Waxaana la filayaa in ay daadad iyo dufaano is wata baabi’iyaan magaalooyin ay kamid tahay caasimadda dalka Ingiriiska ee London, sida ay sheegeen hay’addaha horumarinta ee Christian Aid iyo xubno kamid ah Qaramada Midoobay qaybteeda Sayniska, kuwaas oo si wada jir ah usoo saaray warbixintan.

Khubarraddan kala duwan ayaa sheegtay in saamaynta cimiladda sii xumaanaysa ay ku hayso adduunka  ay tahay mid cimiladda gaadhsiin doonta 1.5 degree Selsiyas ,iyaga oo ka digay dufaano iyo daadad waaweyn oo ay sababi doonto.

Waxa kale oo ay khubarradani sheegeen in baddu ay kici doonto, kana kor mari doonto halka ay maanta taagan tahay biyo ahaan in ka badan 16 Inches haddii aan la yarayn saamaynta ay cimiladda sii xumaanaysa ku lee dahay adduunka maanta .

“ cimiladda is bedelaysa waxa ay laban laabi doonta dhibaatooyinka waqtigan jira ee cimiladdu keentay, sida qorshe xumo, nabad guur ciida ah iyo ciida hoose ee badda oo iyaduna yaranaaysa , taas oo keeni doonta dhib aan laga soo kaban Karin, caalamkana ku baahda” ayay tidhi hay’adda Horumarinta ee Christian Aid.

Warbixintan ay hay’addaha kala duwani soo saareen ayaa lagu sheegay in magaalooyinka waaweyn ee xeebaha ku yaala, sida Houston, London,Shanghai,Bangkok,Manila,Jakarta,Lagos iyo Dhaka ay yihiin kuwa khatarta badan ku jira.

Leave a Reply