Wasaaradda Beeraha oo Shir la Yeelatay Weftiga Ka Socda Swiss Development Cooperation

0
614

Hargeysa (Dawan) – Wafti ballaadhan oo ka socda Swiss development Cooperation (SDC) oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa waxay shir la yeesheen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Cali Maax.

Weftiga ka socday SDC oo uu wehelinayey Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa Hargeysa Shir kula yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

SDC oo ka mid ah Qaadhaan-bixiyeyaasha taageerada siiya Hay’addaha ay FAO ka midka tahay, taasi oo Mashaariic horumarinta Beeraha iyo Beeralayda loogu talo-galay ka fulisa Somaliland, ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeruhu wuxuu marka koowaad uga Mahad-celiyey booqashada ay ku yimaaddeen Somaliland iyo gacanta ay ka geystaan Mashaariicda kala duwan ee Dalka ka socda, gaar ahaan Mashaariicda kor loogu qaadayo Wax soo-saarka Beeraha Somaliland.

Agaasime Maax ayaa intaa ka dib, wuxuu Weftiga ka socda Swiss development Cooperation (SDC) u bandhigay dedaallada ay Wasaaradda Beeruhu waddo iyo Qorshayaasha Mustaqbalka ee la xidhiidha kor u qaadidda wax soo saarka Beeraha Dalka.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu u soo jeediyey Madaxda SDC inay kor u qaadaan doorka ay ku leeyihiin wax soo-saarka Somaliland, maaddaama oo ay yihiin Qaadhaan-bixiye gacan weyn ka geysan kara arrintaasi.

Agaasimuhu waxa kale oo uu Madaxda SDC u soo jeediyey inay xil iska saaraan sidii Wasaaradda Beeruhu uga War hayn lahayd Dhaqaalaha ay bixiyaan ee Hay’aduhu ay Dalka Mashaariicda kaga fuliyaan, si hawlaha horumarineed ee socdaa u noqdaan kuwa daah-furan.

Dhanka kale, Weftiga ka socday SDC ayaa iyaguna dhankooda Agaasimaha uga Mahad-naqay sida uu u qaabilay iyo shirka ay la yeesheen, waxayna ballan-qaadeen wada-shaqayn buuxda oo ay la yeeshaan Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply