Madaxweyne Muuse oo ka Hadlay Shaqsiyadda Marxuum Qaranka Ka Baxay

0
620

Hargeysa (Dawa):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay shaqsiyadda Marxuum ka baxay qaranka Somaliland oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Madaxweyne Muuse ayaa Marxuum Cismaan Abshir Cabdalle ALLE uga baryay in uu u naxariisto isla markaana waxaa uu ka tacsiyeeyay qaranka Somaliland,qoys ehel iyo asxaab intii uu ka baxay in ALLE samir iyo iimaan ka siiyo,waxaanu is gaar ah tacsi ugu diray Madaxweynuhu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

War saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu madaxweynaha qaranku kaga hadlay shaqsiyaddii Marxuumka,ayaa u dhignaa sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Abshir Cabdalle oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 15/01/2019, Dalka Jabuuti. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka aqoonyahan halgamaa ah oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii bulshada Somaliland, waxaanu la-taliye ka ahaa Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka sii

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply