Warbixin Caalami ay oo Iftiimisay Sharcinimada Qaddiyadda Somaliland

0
920

Hargeysa (Dawan):- Warbixin si tifaftiran loogu bayaamiyey sharcinnimada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, saxnaanshaha dariiqa xukuumadu ku raadinayso iyo sida ay u waafaqsan tahay dhamaan shuruucda iyo qawaaniinta caalamka u degsan ayaa shalay lagu baahiyey warbaahinta caalamka qaarkood.

Warbixintan oo cinwaan looga dhigay “Iska-Indho-Tirka Dacwada Somaliland, waa BOOG ku taal Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka” ayaa ka koobnayd toban bog, waxaana lagu falanqeynayaa kala duwanaanshahii Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland iyo dhinacii Gumaystaha Talyaanigu gacanta ku hayey ee Soomaaliya ka hor midnimadoodii iyo caddeymaha xuduudihii u kala dhexeyn jiray ka hor xornimadii ay labada dhinac ka kala qaateen Ingiriis iyo Talyaani, daliil cad-na ah oo maanta u markhaati-furaya dooda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsan xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya.

Qoraalada warbixintan bayaaminayso oo macluumaad badan ka korodhsan doonaan shacabka Somaliland iyo hannaanka baadi-doonka xukuumadooda ee madaxbanaanida Somaliland ugu taagan yahay dariiqii saxda ahaa, sidoo kalena, dadyowga Af Soomaaliga ku hadla faham buuxda ka siinaya khilaafka labad dhinac, garowshiinyo la’aanta Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya iyo is-diidsiinta inay xaqiiqada ku waajahaan doodaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa weriye Maxamuud Walaaleeye akhristayaasha Wargeyska DAWAN u ballanqaadayaa inuu taxane ugu soo gudbin doono turjumadiisa, oo ku daabacan luuqada af Ingiriiska. Warbixinta ayaana lagu bilaabay sidan:-

“Hay’addaha Caalamka, Kuwa heer Gobol, sida, Qaramadda Midoobay, Midowga Afrika, waxa waajib ku ah inay u hoggaansamaan oo sharfaan shuruucda ay dhigteen”

Hanti Jamhuuriyad leedahay, caqli-gal maaha in fasax la’aan loo siiyo wadan kale, idam la’aanta Jamhuuriyaddaa. Xaaladaa oo kale, Kursiga iyo Xubinimada Jamhuuriyad aan wakhtigan jirin ee jamhuuriyadda Soomaaliya, waa inaan lagu qaddarin, QM iyo Midowga Afrika.

Hay’addahaa waxa waajib ku ah inay si caddaalad ah u dhexgalaan khilaaf kasta oo hoos imanaya xuduudaha shuruucdoodu, xilna ka saaran yahay inay kala dhexgalaan dhinacyada khilaafku u dhexeeyo, si loogu fududeeyo inay hannaan nabadgelyo ku dhamaystaan qodobka laysku hayo.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxuu sharcinimadeedii burburay sannadkii 1991-kii. Dhinacii Talyaanigu gumaysan jiray waxay gashay qalalaase iyo fowdo, nidaam dhexe oo shaqaynaya ma yeelan, waxii xilligaa ka dambeeyey, marka laga reebo qeybo kooban ee caasimada ah oo hoos-hadhsanayey ilaalinta iyo nabadgelyada AMISOM bixiyaan (Ciidamada hawlgalka Nabada Afrika), halka dhinacii Maxmiyada Somaliland ku nuux-nuuxsadeen inay abuurtaan hannaan dhaqaale firfircoon iyo nidaam dimoqraadiyada dastuuri ah, iyadoo aanay hal daqiiqad taageero shisheeye dalbanin waxay noqdeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Ma aha mid qarsoodi ah in labadii lamaane, oo hore aan xidhiidh rasmi ah u wadaagi jirin 30-kii sannadood ee u dambeeyey, marka laga reebo xilliyo, marka aduunka kale isku deyey inay xalliyaan kiiskooda, hase yeeshee QM iyo Midowga Afrika waxay u dhaqmeen sidii qaab inaanay waxba dhicin.

Maxmiyadii Ingiriiska iyo Qeybtii Talyaaniga waxay kala ahaayeen laba qeybood oo kala duwan wakhtigii Gumaystayaasha. Sannadkii 1887-kii, Ingiriisku waxuu yimi Somaliland, oo noqotay maxmiyad, halka Talyaanigu calmaday Soomaaliya badhtamahii 1889-kii. Ka dib dagaalkii labaad ee aduunka, markii Talyaaniga laga adkaaday, Ingiriisku waxuu la wareegay dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray ee Soomaaliya ilaa sannadkii 1950-kii. Markii la abuuray, Ururka Qaramada Midoobay 1950-kii, qeytii Talyaanigu gumaysan jiray ee Soomaaliya waxa la hoos-geeyey ku-meel-gaadh ahaan QM, iyada oo uu dushana ka kantaroolayay Talyaanigu.

La soco akhriste caddadka dambe…….

 

Leave a Reply