Xukuumadda Somaliland oo Go’aammo Ka soo Saartay Furasahda Jaamacado Cusub iyo Isballaadhinta Kuwa Jira

0
711

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa joojisay furashada jaamacado cusub iyo is ballaadhinta kuwa hadda jira, taas oo looga dan leeyahay hir gelinta yoolka xukuumadda ee ah waxbarasho tayo leh oo dalku ku tallaabsado.

Pro. Axmed Muuse Muraad agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen guud ahaanba furashada jaamacaddo cusub. iyo in ay faracyo cusub furtaan jaamacadaha hadda dalka ka jira.

Agaasimaha guud oo ka hadlayay wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska oo lagu joojiyay guud ahaan dalka Somaliland in laga furto Jaamacado cusub, ayaa yidhi. “Wareegtadani waxay soo baxday 7/1/209 waxaanay dhaqangaleysay 15/1/2019 waxaaney warqadaasi ku saabsaneyd joojinta jaamacado cusub oo laga furo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, iyo joojinta qaybihii kala duwana ee dalka gudihiisa ay jaamacaduhu ka furanayeen, tusaale ahaan haddii ay jaamacaddu Hargeysa ku taallo qaybtii ay ka furaneysay Berbera, Burco, iyo Boorama waxaasi oo dhan waa la joojiyay.”

Pro. Axmed Muuse Muraad waxaa uu isdul taagey laba qodob oo uu sabab uga dhigay joojinta furashada jaamacadaha cusub waxaannu yidhi “Laba qodob ayaana arrintan looga dan lahaa waxay tahay waddanka waxaa ka jira jaamacaddo badan oo ku dhaw illaa sodon, markaa 30-ka jaamacadood intii ay timid xukuumaddan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa lagu dedaalayay in la tayeeyo jaamacaddaha Somaliland, markaa maalinba meel ayay soo mareysay go’aankii ugu dambeeyayna waxaa qaatay wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska ee imika Cismaan Aadan Jaamac oo 15/1/2019 joojiyay furashada jaamacaddaha, sababta loo joojiyayna wax kale maaha ee waa in la tayeeyo jaamacaddaha dalka, in kuwii sii jireyna la qiimeeyo oo dalkuna helo 2019 illaa 2020-ka jaamacado kooban oo tayo leh oo waddanka oo dhan ka turjumaya”

“Kuwa hadda jirana waxaanu ku sameyn doona kormeer joogto ah iyo qiimeyn joogta ah innaga oo la kaashaneyna wasaaradda agaasinka guud ee tacliinta sare,gudida tacliinta sare iyo xafiiska imtixaanadka qaranka annaga oo arrrinkaasi meel uga soo wada jeesanayna waxaa aanu sameynaynaa dabagal waddankuna hadii Illaahey yidhaaho sanadkan aynu ku jiro iyo ka innagu soo fool leh waxaa uu yeelan doona jaamacaddo kooban, qiimeyntuna marka ay dhammaato waxaa soo baxaya kuwo jamacado tayadoodu sareyso”) ayuu yidhi Pro. Axmed Muuse Muraad agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply