Turkiga oo 216 Qalab Caafimaad ah ugu Deeqay Cisbitaalka Hargeysa

0
598

ANKARA (Dawan)- Dawladda Turkiga ayaa agab caafimaad oo muhiim ah ugu deeqday Somaliland, siday werisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA oo ka soo xigatay Warbixin lagu daabacay Wakaallada Wararka ee dalka Turkiga.

Hay’adda TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay inay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan.

Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka, mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka.

Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii qalabkaas lagu kala guddoomayey ka caddeeyey in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta adeega Caafimaadka.

Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland.

Waxa kaloo, danjiruhu sheegay inay soo dhaweynayaan in Somaliland ay dalkeeda ka saartay dugsiyo ay laheyd Hay’adda FETO oo uu leeyahay Waddaadka Fetullah Gulen oo Dawladda Turkigu u taqaanno Argagixiso,kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey af-gambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July 2016kii.

“Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,”ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz.

Ururka FETO iyo Hoggaamiyaheeda degan Maraykanka ee Fetullah Gulen, ayey dawladda Turkigu ku eedaysay inuu soo maleegay afgambigii dhicisoobay ee waddankaas ka dhacay 15kii July 2016kii oo ay ku dhinteen 251 qof, halka 2,200 ku dhaawacmeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply